Militariga Dalka Suudaan oo hakiyey wada-hadalladii rayidka

Golaha Milatari ee hadda haya dalada dalka Sudan ayaa joojiyay wadahadallo ay kula jireen hogaanka dibad-baxayaasha, kaddib marki ay sideed qof ku dhaawacmeen iska hor-imaad Arbacadi magaalada Khartoum ku dhexmaray ciidanka amaanka iyo dad bannaan baxayay.

General Abdel Fattah al-Burhan ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay in wadahadallada lagu soo dhisayo dowladda kumeel gaarka ah la hakiyay muddo 72 saacadood ah, sababo la xariira dhiiga ku daatay shalay magaalada Khartoum.

Isku dhici Arbacadi ayuu jeneraalka ku eedeeyay kooxaha mudaaharaadka wada, kaddib marki ay diideen in ay qaadaan jid-gooyo ay dhigeen waddo muhiim ah oo ku taallo caasimadda.

Jid gooyooyinka yaalla qeybo ka mid ah magaalada Khartoum ayaa la dhigay bishi hore, xilligaas oo ay waddooyinka joogeen dad aad u fara badan oo dalbanayay inuu xakunka ka dago madaxweynihi hore Cumar Al Bashir.

Milatariga ayaa 11-ki April soo afjaray 30 sano oo uu Sudan soo xakumayay jeneral Cumar Xasan Al Bashir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker