Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku garaacay magaalo dhacdo Ukraine

Warbaahinta  ayaa xaqiijisay muuqaal muujinaya gantaallo ay ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada koonfurta dhacda ee Mariupol.

Gantaalladan ayaa ku habsaday dhismooyin ku yaalla halkaas.

Arrintani waxay dhacday Axaddii kadib duqeyn joogto ah ay militeriga Ruushka ku hayeen magaalada Mariupol.
Mas’uuliyiinta Ukraine waxay sheegeen in magaaladan ay xuddun u aheyd duqeynta Ruushka tan iyo 2-dii bishan March, waxaana ku dhintay duqeymaha dad lagu qiyaasay 2,187.

Waxaana magaalada ku go’doonsan 400,000 qof oo aan heysan biyo, cunto iyo dawooyin.

Waxaa lagu guuldareystay dadaallo dowladda Ukraine ay ku dooneysay inay ugu gurmato shacabka Mariupol kadib duqeymaha Ruushka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker