Buuqa Nimco Yaasin maxaa lagu hoos qarinayaa? By Amir Bidde

Qofka iyo qoyskiisa uu yahay ama uu ka dhashay amaba soo korsaday waa arrimo shakhsiyeed wax dadka kale khuseeya maaha. Ilmo yar haddii lagu murmo waaba la isku dacwayn oo odayaal wayba soo dhexgeli laakiin qof wayni reerku yahay, kuuna ahayn, cidduu sheegto iyo cidduu diido wax shakhsigaa khusaysa.
Siyaasi doonaya inuu madaxwayne noqdo, way dhici kartaa inuu magaciisa ama qabiilkiisa wax ka beddelo si uu u helo faaido siyaasadeed. In kastoo bulshadeena ku adagtahay inuu qofkaasi qarsoomo. Laakiin qof wayn oo dumar ah oon siyaasad ku jirin, oon dalka deggaynayn, wax faaido ah, oo ugu jirtaa inay cid kale sheegato ma jirto.
Nimco Yaasiin waxa lagu yaqaanay inay tahay gabadh aan cuqdad ka qabin cidday ahayd ee Yibreed. Aniga waxa la iskaayo baray 1980’s iyadoo macalimmad magaalada Sheekh ka ah, eraygii ugu horreeyey ee ay igu tidhi, magaceeda ka dib, wuxuu ahaa: inay si qab iyo isku kalsooni wayni ku jirto ay igu tidhi waxaan ahay midgaan.
Waxa la yaab leh in suldaanada iyo “boqorka” yibir inay arrintan Nimco Yaasiin si cad u soo farageliyeen, saxaafaddana si bilaa xushmo iyo qaddarin la’aan ah ugu soo bandhigaan. Xataa ayna wax yar oo ixtiraama u muujin Nimco Yasin iyo nolosheeda shakhsiyeed. Haddaba odayyadani ma wax kale ayay ka baqayaan inay soo baxaan. Oo reerkani ma carruurtuu dadka ka xadi jiray?
 Hadda waa yaabe!  waxan ay ka baqanayaan inay soo bannaan baxdo, waa maxay?
Waxaba iyaba tuhun leh inan yar oo Hargaysa duleedkeeda ku luntay, in la geeyo sheekh oo Hargaysa in ku dhow 200km u jirta, waqti socdaalkuba dhib ahaa oon gaadiid jirin. Waxay kaloo Nimco lafteedu waraysi ku sheegtay in judhii hore Jabuuti la geeyay, halkaas oo lagu soo hayay muddo dhowr sano ah; waa muddada ciddii raadinaysaa ka quusanayso. In la xaday waa iga male uun! Laakiin waxa tuhunka keenaya odayaashan yibir ee qaylinaya ee adduunow noo soo gurmadada haya. Arrimahani baadhitaan bay u baahan yihiin; bal waalidiinta carruuro ka lumeen ha la baadi doono!!
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker