Ufiirso Liiska hantidii qaranka ee lagu wareejiyey il-duuf sharci iyada oo aan loo cuskan xeer nidaamiye dawladeed.

Maadaama Madaxweyne Muse Biixi Abdi uu qiray in aanay dalka  jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaar ka ah ( PPP Act ).
A)- Maadaama aanay jirin Xeerarka iyo xeegaanada Maalgelinta Madaniga ah ee lagu wareejin lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawlada.
B)- Maadaama aanay jirin Xeerarka Maareynta iyo Maalgelinta Hantida Guurtada iyo ma guurtada ee qaranka. C) Maadaama aan loo cuskan wareejinta hantida qaranka xeer-nidaamiye dawli ah oo ummadda u qeexaaya waajibaadka masuuliyayeed ee saaran shirkadaha lagu wareejiyey hantidii ummadda.
D) Maadaama  yoolka Shirkadaha lagu wareejiyey aanay ku saleysneyn istiraajiyad qaran oo xukuumadu ku leedahay saamiyo badan oo waafiya.
E)  Maadaama aanay jirin heshiisyo marag-gal iyo marag-fur ah oo ku saleysan  tiir sharciyeed heshiis laba dhinac ah.
F) Maadaama aan loo marin hab-wareejintoodii tartan hufan oo xor iyo xalaal ah (fair competition) oo ummadda iyo ganacsatada dalka oo dhan loo soo bandhigay-Waxaa dhamaan Heshiisyadan Hoos ku taxan lagu bixiyey il-duuf sharci, taa soo lagu-tagri falay Kaabeyaal dhaqaale oo qaranku wada lahaa, sidaa daraadeed dawlada madaxweyne Muse Biixi Waxaa looga fadhiyaa  in ay dhamaan hantidii dawlada ee la wareejiyey  iyo mashaariicdan hoos ku taxan dib loo eego oo lagu soo celiyo gacanta dawlada iyo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd.
  1. Rusqada Shirkada Beenyada iyo xabkaha dalka ka gurata
  2. Rusqada Shirkaddii Laydhka ee Hargeysa
  3. Rusqadaha shirkadaha Laydhka ee Borama iyo  Berbera
  4. Heshiiska lagu wareejiyey Dekeda Berbera oo aan sadex sano waxba laga qaban ( from 9th may 2015 – 3/10/ 2018 )
  5. Heshiiska lagu wareejiye Madaarkii Berbera oo aan wax qiimo leh la dhaafsan khatarna leh
  6. Heshiiska Shirkada daabacda Kaadhka dhalashada (Teysarada Muwaadinimada)
  7.  Rusqada shirkadda Diiwaan-gelinta Madaniga ah.
  8.  Rusqada Shirkadda  daabacaada Manhajka Waxbarashada.
  9. Shirkada keenta qalabka kala duwan ee xafiisyada Dawlada
  10. Shirada keenta Raashinka Ciidamadda Qaranka
  11. Shirkad ku sheegta keenta Direyska Ciidamada  Qaranka
  12. Rusqada Wakaaladda Biyaha ee Boorama
  13. Shirkada qaabilsan tigidhada dibadda ee Madaxda Dawladda.
  14. Shirkada daabacda Baasaboorka Somaliland – waa la soo celiyey
  15. Shirkada Kootada ku haysata Internetka Fiber Optic
  16. Shirkada Kawaanka Xoolaha ee Hargeysa oo fayo -dhowrkoodu xumaaday
  17. Shirkada Kootada ku haysata  Maxjarka Xoolaha Al-jaabiri
  18. Shirkada ama Macradka dawladdu ka Qaadato Baabuurta.
  19. Shirkada Makiinadaha  Dawaarisa Raashinka WFP.
  20. Qandaraaska Dhismaha Wershada hilibka ee Berbera
  21. Shirkadaha Qashinka ee Borama iyo Hargeysa oo aan shaqadooda gudan.
  22. Shirkada hagista gaadiidka iyo Nadaafada Dekeda Berbera
  23. Shirkada talaalka xoolaha la dhoofiyo oo aan si hufan loo wadin
  24. Shirkada  daabacaada warqada cashuur bixinta Gaadiidka (Road tax ) –waa la soo celiyey
  25. Shirkada netfishka Berbera oo shaqsi gaar ah maquuno loo siiyey
  26. Shirkada daabacda Liisanka  gaadiidka ee lafta ah – waa la soo celiyey
  27. Shirkada bixisa lambar bileydhka Gaadiidka dalka soo gala
  28. Shirkada bixinta foomamka customka ( custom entry forms)
  29. Shirkada bixinta buugaagta lahaanshaha Gaadiidka-waa la soo celiyey
  30. Shirkada daabacaada istiikarada visaha dalka laguu soo galo
  31. Rusqada shirkada batroolka dilaasha / fadhateysata ee Betro Soma
  32. Rusqada Shirkada Batrolka baadha / dilaasha ee East African Resource group
  33. Rusqada shirkada Anglo Somaliland resourse loo siiyey in ay Kaluunka dalka keligood maamulaan.
  34. Ruqsada Shirkada Somaliland Hono Group loo siiyey in ay Macadanta dalka ku gurtaan
  35. Qandaraaska dhismaha Saldiga Berbera oo cid gaar ah loo xidhay
  36. Ruqsada Shirkada Macdanta ka fadhataysata Buurta Simoodi.
  37. Dhamaan Qandaraasyada DPW ee ay xukumadii Siilaanyo bixisay  sida :
  38. Qandaraaska fayo-dhowrka raashinka ka soo dega Dekeda Berbera ( quality control )
  39. Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera iyo Suqa xorta ah (free Zone )
  40. Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda,shaqaalaha DPW iyo suuqa xorta ah
  41. Qandaraaska Xawilaada iyo sarifka lacagta Dekeda Berbera ka soo xaroota
  42. Qandaraaska dhismaha suuqa xorta ah ( free Zone ) ee Berbera
  43. Qandaraaska Keydka qaboojiya-yaasha Dekeda Berbera
  44. Qandaraaska dhismaha iyo maamulka parkinka baabuurta ee Dekeda Berbera
  45. Qandaraaska Dayactirka Gaadiidka DPW iyo daabulaada shaqaalaha DPW
  46. Qandaraaska quudinta shaqaalaha DPW ee dekeda Berbera
  47. Qandaraaska qalabka xafiisyada, rasiidhada iyo istiikarada DPW
  48. Qandaraaska Zaadka shirkada DPW iyo shaqaalaheeda u gaarka ah
  49. Qandaraaska Nadaafada Guud ee Dekeda Berbera iyo suuqa xorta ah
  50. Qandaraaska Dayactirka guud ee Dekeda iyo qalabkeeda
  51. Qandaraaska Carbinta iyo Tabo-barida Shaqaalaha Dekeda  ee DPW iyo Free Zone ka
  52. Rusqada bixinta dhulkii Gaandi libaray
  53. Rusqada wareejinta Hotelka Hargeisa Club
  54. Rusqada bixinta dhulkii Hargeisa Womens Club.

    Waxaa Madaxweyne Muse Biixi lagu mahadinayaa go’aanka adag ee bar bilowqa ah ee uu ka qaatay soo celinta heeshiisyadan hoose waxaana aanu leenahay Madaxweyne Faanoole fari kama qodna ee halkaa sii kawad!!

1- Heshiiskii Haamihii keyd ka shidaalka ee Berbera. 2- Sheybaadhkii shidaalka, Parking kii gegida dayaaradaha Cigal international airport. 3- Dabacaada dokumintiyada dawlada sida Passporka, Cashuurta wadada Road tax, Cashuur ku dhejinta (stamp duty) , liisanka lafta ah ee gawaadhida , buuga dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo Adeega Amniga ee Madaarada.  Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walba  badbaado qaran iyo in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan dib tendher loo wada  mariyo oo tar tan xor ah oo xalaal ah loo soo wada maro cidii ku guuleysatana la siiyo ama gacanta dawlada lagu soo wada celiyo si dhaqaalaha dawladu u koro oo shaqo abuurka dhalinyaraduna u fududaato.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! ee Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso” !

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

  1. Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
    Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
    Qalinkii : A/rahman Fidhinle
    Qoraa Madax banaan
    Intensive ED BD PA
    United Kingdom
    London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker