Faah faahinta weerar bambo-gacmeed loo adeegsaday oo ka dhacay Boosaaso

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax bambaano oo xalay lagu weeraray xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso iyadoo uu ka dhashay qasaare kala duwan.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar bambo-gacmeed loo adeegsaday oo dabley ay ku qaaday xarunta ganacsiga Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso.

Qofka la xaqiijiyay geeridiisa ahaa ahaa waardiyihii xarunta oo kooxda weerarka soo qaaday markii ugu horreysay ay dileen inta aaney weerarka bambaanada qaadin.

kooxda weerarka qaaday ayaa bambaanooyin ku tuuray waxaana ay sababeen dab ka kacay xarunta kaas oo ay ka dhalatay khasaareba’an oo maaliyadeed, sida wararku sheegayaan.

Xarunta weerarka lagu qaaday ayaa ahayd meel ay inta badan dhallinyaradu ku caweeyaan xilliyada habeenkii ah.

Ciidamada booliska magaalada boosaaso ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaanno ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker