War-Bixin Daaha Ka Fayday Gabood-Fallada Qarankan Laga Galay, Tirada Guryihii Dawladdu Lahayd Ee La Iibiyey Iyo Kuwa Dad Gaara La Siiyey

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhawaan furitaankii Kal-fadhigii 37aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ee furmay Toddobaadkii hore ayaa waxa ay warbiixntoodii Kal-fadhi ee mudadii goluhu fasaxa ku maqnaa ka hor jeediyay Fadhiga Golaha Wakiilada una qaybiyay iyada oo qoraal ah.

 

Warbixintan Guddidu soo ban dhigay ayaa ahayd xog-waraysiyadii ay la yeesheen qaar ka mid ah Masuuliyiinta qaranka, warbixintaasi oo ka koobnayd 16 Bog ayaa waxa ka mid ahaa oo qayb muhiim ah ka ahaa warbixin ay kaga hadlayeen Hantidii ma guurtada ahayd ee Guryaha Dawladda ee ka baxday gacanta xukuumaddii Xisbiga KLMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo iyo waliba xukuumaddii ka horraysay ee Daahir Rayaale Kaahin. Warbixintan ayaa sida guddidu ku sheegeen waxa ay gacanta xukuumadda ka baxeen muddo xileedkii Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Warbixintu waxa ay shaaca ka qaadday oo ay iftiimisay in Guryo dhan 110 Guri oo isugu jira kuwo la iibiyay iyo kuwo la hibeeyey oo dad gaar ah la siiyay. Waxa ay warbixintu arrintan u kala qaaday in Guryaha la hibeeyey ee dadka gaarka ah la siiyay ay dhan yihiin 52 Guri kuwaasi oo ay ku sheegeen warbixintooda in xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ay bixisay 24 Guri halka Xukuumaddii ku xigtay ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay iyana bixisay 28 Guri. Halka Tirada Guryaha la iibiyey ay ku sheegeen 58 Guri oo aanay Warbixintu kala cadayn sida ay u kala iibiyeen labadaasi xukuumadood.

 

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland waxa kale oo ay Warbixintoodan layaabka leh ku sheegeen in sifaha loo iibiyay hantida guryahan qaranku lahaa ay tahay sifo lunsi hantiyeed ah markii ay isku eegeen tacriifaddii loogu tala galay iibka hantida guryaha dawladda iyo ta loogu dhuftay ee lagaga iibiyey dadkaasi gaarka ah.

 

Warbixintan laguma xusin tirada guryaha dawladda ee wali gacanta dadweynaha ku jira iyo tirada hantida ma guurtada ah ee ah dhulkii bannaanaa ee dawladdu lahayd ee gacanta dawladda ka baxay. Sidoo kale warbixintan laguma xusin hantidani sida ay ugu kala qaysan tahay Gobolada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker