Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag sida Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn

Hargeysa (OWN) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag sida Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka madaxtooyadu.

Xaaladda degdega oo socon doona muddo saddex bilood ayaa lagu soo rogay magaalada Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag.

Wararka ayaa sheegaya in mudada ay xaalada degdega ku jirto deegaanadaas uu ka socon doono kaliya amarka Ciidamada.

 

Tilaabaddan  ayaa timid kadib markii maalintii shalay lama sarkaal oo ciidamada Somaliland ah oo ka hawl gali jiray Gar-adag lagu dilay degaanka Gobab maxan ee degmada Yagoori.

Banaan baxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay deegaanka Gar Adag, waxaana banaan baxaas uu ka dhashay markii nin maxbuus ahaa uu ku dhintay Xabsiga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker