Agaasimaha Baanka Dhexe Somaliland Oo U Hanjabay Shirkadaha Golis iyo Hormuud

Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ka qaadayaan shirkadaha isgaadhsiinta ee Golis iyo Hormuud oo si sharci darro ah uga shaqeeya Somaliland, isla markaana la isugu diro lacagta Doolarka kaadhkooda oo sharci darro ah.

 

Agaasimaha guud oo wax laga waydiiyay cidda u hoogaansami wayda qiimaha sarrifka ee baanka dhexe soo saaro tallaabada ay ka qaadayaan, ayaa yidhi. “Horta ma jiro illaa imika cid aan u hoggaansamin qiimaha baanka dhexe soo saaro, waxaa keliya oo jira wax yar oo aan badnayn oo noo dhexeeya  suuqa iyo sarrifka aanu shaacino, taana waxaa sahlay oo suura galiyay maarkii aanu dadka qiimaha sarrifka maalinle ugu dirnay iyadoo dadkeenu ay ku wacan yihiin isticmaalka mobilka, waxay si shaqsi shaqsi ah ula socdaan inta maalin kasta uu sarrifku marayo, markaa dadkii lama khiyaamayn karo, laakiin waxaan halkan uga  faa’iidaysanayaa oo aan dadkana uga digayaa waa laba shirkadood oo tuugo ah oo sharci darro ah oo  kala ah Golis iyo Hormood oo kaadhkooda laga diro lacag Doolar ah oo sharci darro ah, dad badan waan ka xidhnay, inta kalena waan ka xidhaynaa, ganacsatadana waan uga digaynaa, waxaanan u sheegaynaa in labadaa shirkadood ay sharci darro yihiin, isla markaana aanay ka shaqayn karin dalka lacagna lagu kaydsan karin.”

 

Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe ee Somaliland

Axmed Xasan Carwo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker