Golaha Wakiillada JSL Ee Cusubi Sharci Ma U Leeyihiin Inay Laalaan Xeerka La Ansixiyey ?

Golaha Guurtida Somaliland ayaa duuduub ku ansixiyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka

Golaha waxa fadhiyay 52 Xildhibaan waxa ogolaaday 48 Xildhibaan waxa diiday 2 Xildhibaan waxa ka aamusay 1 xildhibaan guddoomiyuhuna mu codeyn sidaasi ayuu ku ansaxay.

Dhanka kalene Gar-qayaan Guuleed Daafac ayaa fallaqayn ku sameeyey xeerkan furista ururrada ee ay ansixiyeen Golaha Guurtidu,waxaanu sheegay haddii uu Madaxweynuhu saxeexo oo uu dhaqan galio xattaa inay wax-ka baddel iyo kaabis ay ku samayn karaan Golaha Wakiillada ee cusub oo ay awood u leeyihiin.

Sharci-yaqaan Guuleed Daafac oo qoraal ku lafa-guray arrintan ka sameeyey ayaa sheegay in ay Golaha Wakiillada ee Cusubi dib u soo celin karaan xeerkan waxaana qoraal kooban oo uu arrinta xeerkan ka sameeyey u dhignaa sidan: “Marshuca sharci ee labada gole ee Baarlamaanku isku raacaan, waxa Madaxwyanuhu uu awood u leeyahay:

Inuu saxeexo oo ku soo saaro Faafinta Rasmiga ah 21 maalmood gudohood. Waxa uu dhaqangal noqonayaa 30 maalmood kadib.
Inuu diido ama soo jeediyo wax ka bedel: hadii uu sidaas yeelo waxa uu ku soo celinaya Golaha Wakiilada oo awood u leh:
Inay ku diidaan cod 2/3 ah soo jeedinta Madaxwaynaha Taas oo ka dhigaysa xeerka mid dhaqangal ku ah sidii hore;
Inay aqbalaan soo jeedinta Madaxwaynaha;
Hadii ay ku diidaan cod ka yar 2/3, marshuuca sharci wuu burayaa (xeerku sidaas ayuu ku dhimanayaa).
Hadaba, Golaha Wakiilada ee cusub wax ka bedel ma ku samayn karaan Xeerka Ansixinta Urura Siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka, hadii Madaxwaynuhu saxeexo oo uu noqdo xeer dhaqangal ah?

Jawaabtu waa: sharci ahaan haa, iyaga oo dabcan raacaya xeer hoosaadkooda. Habka wax ka bedelku se waxa uu mari doonaa habka xeer dejinta. Taas oo macneheedu yahay si Golaha Wakiiladu u buriyo Xeerkan qaybo ka mid ah waa inuu helo:

Ogolaanshaha Madaxwaynaha, hadii kale wuu ku soo celin karaa;
In dhamaan xubnaha mucaaradka ka soo baxay dhinac wada maraan islamarkaana ay soo raacaan ugu yaraan laba xubnood oo Kulmiye ah (si ay u helli karaan 2/3).
Markaas macneheedu waxa weeye farsamo ahaan uma hawl yaraan doonto.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker