War deg deg ah: Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiskii badda ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya

War deg deg ah: Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiska badda ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

 

Hague (OWN) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaalia iyo Kenya laga dhigo June 8-12 ee sanadka 2020.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku caddeysey in go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah oo mar dambe aan dib loo dhigi doonin.

Waxay sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkamadda.

 

Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista Lagu sameeyo .

Jadwalkii hore ee maxkamadda u dejisay dhageysiga dacwadda ayaa ahaa 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Kenya ayaa dhowr toddobaad ka hor mar kale codsatay in kiiska dib loo dhigo, taasi oo dhalisay go’aanka cusub ee galabta soo baxay.

Soomaaliya ayaa labada goorba diiday in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee maxkamadda ayaan Wax  tix-gelin ah siinin Diidmada Somalia halkay taa badalkeeda qadarisay  codsiga Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker