“Iiraan gorgortan kama galeyso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka”

Madaxweynaha la doortay ee Iiraan, Ebrahim Raisi ayaa sheegay in heshiiska nukliyeerka ee 2015 aanuu  xaddidi doonin siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan. Shir jaraa’id oo uu qabtay, ayuu Raisi ku sheegay in danaha dadka Iiraan aanan lagu xidhi doonin heshiiskaas.

Heshiiska nukliyeerka ayaa qarka u saarmay inuu burburo tan iyo markii Mareykanka uu isaga baxay isla markaana uu cunna qabateyn ku soo rogay Iiraan saddex sano kahor.

Raisi, oo ah wadaad mayal adag oo Shiico ah isla markaana madax ka ah garsoorka Iiraan ayaa waxay aad isugu dhow yihiin Hoggaamiyaha Ruuxiga Ayatollah Ali Khamenei. Wuxuu ku guuleystay doorashadii Jimcihii dhacday isgaoo helay 62% wareeggii hore ee codbixinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker