Maxaa sababay in Shirkadda Somaliland HONO GROUP Mar kale ku guulaysato Fulinta Mashruuc $5 Milyan ku baxayso? WARBIXIN

Shirkadda Hono Group oo ku guulaysatay Mashruuc Dib-u-dhis iyo Dayac-tir loogu samaynayo Jidka Laamiga ah ee Isku Xidha Caasimadda Hargeysa ilaa magaalada Kala-beydh ee gobolka Gabiley.

WARBIXIN by HORYAALPRESS.COM

Shirkadda Dhismaha iyo Maalgelinta ee Somaliland Hono Group oo ah shirkad uu iska leeyahay muwaadin u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Jamaal Ismaaciil (Cumaani) isla markaana mashaariic wax-qabadkeeda loo bogay hore u soo fulisay dalka, ayaa mar kale ku guulaysatay fulinta mashruuc ballaadhan oo dib loogu dhiso jidka laamiga ee Isku xidha caasimadda iyo gobollada Galbeedka dalka.

Mashruuca ay shirkadda Hono Group ku guulaysatay ah ballaadhin iyo Dayactir lagu samaynayo Jidka Isku xidha Caasimadda Hargeysa iyo tuulada Kala-baydh ee Galbeedka Hargeysa, waxa lacagta ugu badan ee ku baxaysa maalgelintiisa bixinayay Midowga Yurub oo mashruucan soo mariyey Hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo GIZ, halka sidoo kale Xukuumadda Somaliland bixisay qayb ka mid ah lacagta ku baxaysa.

KU-DHAWAAQISTA GUDDIGA QANDARAASYADA

Guddiga Qandaraasyada Somaliland ayaa 1-dii bishan shaaciyey in shirkadda Hono Group ku guulaysatay mashruuca waxa u tartamay shirkado tiro badan oo isugu jira qaar laga leeyahay gudaha iyo dibadda dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in dhismaha jidkani ay tartan xor iyo xaal ah u galeen shirkado dhan 11, hase ahaate saddex shirkadood oo kali ahi ay isugu soo hodheen liska, islamarkaana ay u qori tuureen.

“11 shirkadood ayaa u soo tartamay, saddex shirkadood ayaa (short lis-ka) soo galey, Management and Enginering Company, Somaliland Hono Group, Amal jv, Civil Enginering and Contract Company, saddexdaasi shirkadood ayaa short liskii ku soo baxay, waxaana nasiibku siiyay oo ku guuleystay Somnaliland Hono Group, sideedaba tartanka laba qof iyo saddex midina ma wada helaan, shirkad uunbaa Illaahey calafka ugu daraa,” sifdaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo sheegay inay qaab caddaalad ah u kala saareen shirkadaha ku tartamay mashruucan.

Gudoomiyaha shirkadda tartankani ku guuleysatay ee Somaliland Hon Group Cabdirisaaq Jamaal Ismaaciil (Cumaani) oo ka hadlay madasha, ayaa yidhi, “Illaaheybaan ugu mahad naqayaa in shirkadda guuleysatay ay noqotay shirkadeydii, waanan u mahad celinayaa dhammaan, sida wanaagsan ee naloo tartansiiyay anaga iyo companiyaddii kale ee ka qayb qaatay tartankani, iyo shaqadii badneyd ee ay qabteen waan uga mahad celinayaa, anagana hawsha nalaga rajeynayo iyo shaqada nalaga sugayo intaba si fiican ayaanu u qaban doonaa, waliba in aanu libin-laabno dadaalka dhismaha waddaadaasi ayaanu rajeynaynaa Illaaheyna nala qabto idinkuna aad noo soo duceysaan.”

SAXEEXII HESHIISKA EE HAY’ADDA WADDOOYINKA

Haddaba, kaddib markii Guddiga Qandaraasyadu shaaciyeen in shirkadda SOMALILAND HONO GROUP ku guulaysatay mashruucan, waxa todobaadkii hore kulan ay iskugu yimaaddeen hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo Madaxda shirkadda HONO GROUP lagu shaaciyey Heshiis rasmi ah oo dhexmaray shirkadda iyo xukuumadda Somaliland, kaas oo ay labada dhinac si rasmi ah ugula kala wareegeen fulinta mashruuca dhismaha Jidadka Hargeysa ilaa Kala-baydh oo ka mid ah Jidadka ugu muhiimsan ee dalka isla markanaa Isku xidha caasimadda iyo gobollada Galbeedka.

Maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in tartanka loo galay dhismaha jidkani uu yahay mid ku dhammaaday guul.

“Waxaa wax lagu farxo ah in aan maanta wax dhibaato ahi ka jirin, amase muran oo shirkadii ku guuleysatay dhismaha wadadaasina lagu dhawaaqay, taasi oo ah Somaliland Hon Group, amase shirkadda uu hogaanka ka yahay Cabdirisaaq Cumaani.”

Lacagta ku baxaysa fulinta mashruuca dayax-tirka Jidkan, ayaa lagu sheegay inay gaadhay ku-dhawaad 5 Milayn oo Dollar.

MASHAARIICDA AY HORE U FULISAY SOMALILAND HONO GROUP

Shirkadda Hono Group oo hore u soo fulisay dhismayaasha waddooyin Isku xidha gobollada dalka qaarkood iyo gegida diyaaradaha ee Hargeysa xilligii xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalka ku soo kordhisay qalab iyo farsamo aan hore uga jirin dalka, waxaanay qaab casri ah oo tayadoodu aad u sarrayso u fulisay dhismeyaasha iyio dib-u-habaynta jidadka Caasimadda, qaar ka mid ah jidadka isku xidha gobollada dalka.

Jidka Isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ah jidadka ugu muhiimsan dalka isla markaana burbur badan soo gaadhay, ayaa shirkaddani fulisay dayac-tirkeeda, waxaana lagu ammaanay Tayada ay leeyihiin jidadka ay dhistay oo Heer Caalami ah isla markaana aan nooca Tayadeeda hore looga fulin dalka.

Heshiiska Dhismaha Madaarka Burco

Somaliland Hono Group oo sidoo kale hore ugu guulaysatay Dhismaha Madaarka magaalada Burco, waxa kale oo fulisay tayac-tirka iyo dhismaha Jidadka Hal-bowlaha u ah Caasimadda, gaar ahaan Jidka hormara madaxtooyada, iyadoo muddo dhowr sanno ah oo jidkaasi dhisan yahay ay ka muuqato farsamada iyo Tayada farsamo ee shirkaddu gelisay.

Jidadka kale ee ay shirkaddu dhistay waxa ka mid ah Waddo laami ah oo Isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Balligubadle, iyadoo jidkaasi ka mid noqday jidadka tayada iyo bilicda sarreeya ee dalka ka jira.

Sidoo kale, shirkaddu waxay fulisay dayac-tir iyo Ballaadhin lagu sameeyey qaybo lagu kordhiyey Gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay qaab casri ah u fulisay mashruucaas oo ay u tartameen shirkado qaarkood laga leeyahay dalka dibaddiisa, waxaanu ahaa mashruucii ugu horreeyey ee shirkaddu fuliso isla markaana ay ku soo bandhigtay tayada iyo Farsamada Casriga ah ee ay dalka ku soo kordhisay.

BALLAN-QAADKA HONO GROUP EE FULINTA MASHRUUCA JIDKA HARGEYSA-KALA BEYDH. 

Iyadoo sababta ugu macquulsan ee shirkaddani ugu guulaysatay Mashruucan lagu tilmaami karo waayo-aragnimadeeda iyo sida loogu qancay mashaariicda ay dalka hore uga soo fulisay, haddana Guddoomiyaha isla markaana ah Mulkiilaha shirkadda Hono Group Cabdirisaaq Cumaani oo ka hadlayey Kulan ay heshiis ku kala saxeexanayeen hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo shirkaddiisa, waxa uu halkaas ku ballan-qaaday inay sidii hagar-la’aanta ahayd ee looga bartay ay u fulin doonaan dhismaha Jidka Hargeysa/Kala-baydh.

Burburka Ka Muuqda Jidka Hargeysa ilaa Gabiley

“Anagana hawsha nalaga rajeynayo iyo shaqada nalaga sugayo intaba si fiican ayaanu u qaban doonaa, waliba in aanu libin-laabno dadaalka dhismaha waddaadaasi ayaanu rajeynaynaa Illaaheyna nala qabto idinkuna aad noo soo duceysaan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cummaani.

Burburka Jidka Galbeedka Hargeysa

XIDHIIDHKA BULSHADA IYO SOMALILAND HONO GROUP

Shacabka ku dhaqan deegaannada shirkaddu ka fulisay mashaariicda dib-u-dhiska iyo dayac-tirka waddooyinka, ayaa HONO Group ku ammaanay inay wada-shaqayn wacan dhexmartay isla markaana u shaqaaleysiisay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka qayb-qaatay mashaariicaha ay fuliyeen.

Sidoo kale, shacabka deegaanka ee Jidka Isku xidha magaalooyinka Hargeysa ilaa Kala-beydh ayaa soo dhaweeyey shirkadda, waxayse ugu baaqeen in maamulka shirkaddu xoogga saarto sidii ay uga qayb-gelin lahayd isla markaana u shaqaaleysiin lahayd dadka deegaanka muddada uu socdo mashruuca dib u dhiska waddada oo dhererkeedu dhan yahay ilaa 60KM.

GUNAANAD

Shirkadda HONO GROUP, ayaa sidoo kale xilligan ku gudo-jirta mashaariic kale oo ay dalka gudihiisa ka wadaan, sida dhismayaasha Waddooyin Cusub iyo dayac-tirka waddooyinka dalka qaarkood oo burburay.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda HONO GROUP oo maqalka magaceedu markii u horeysay dhegaha bulshada ku soo dhacay bilowgii sannadkii 2012-kii kaddib markii ay ku guulaystay mashruuc dayac-tirka gegida diyaaraha ee Magaalada Hargeysa, waxa ay dalka ku soo kordhisay farsamo iyo Qalab casri ah oo la jaan-qaadaya heerarka caalamka isla markaana aan dalka hore uga jirin, shirkadihii dalka hore uga jirayna aanay soo bandhigin. Waxaanay tani sababtay in lagaga maarmay shirkado shisheeye oo fuliya mashaariico fulintoodu ka awood badatay shirkadaha dhismaha ee waddaniga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker