Qorshe ku saabsan waxa ay Israa’iil ka yeelayso Qasa dagaalka kadib oo lasoo bandhigay

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa soo jeediyay qorshe ku saabsan maamulka mustaqbalka ee Qasa marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Soo jeedinta ayu uku sheegay in uu xaddidi doono maamulka Falastiiniyiinta ee dhulka.

Xamaas ma sii maamuli doonto Qasa, Israa’iilna waxay sii hayn doontaa guud ahaan hogaanka ammaanka, ayuu raaciyay.

Dagaalka Qasa ayaa ka barbar socday daabacaadda qorshaha, iyadoo tobanaan qof lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku soo laabanaya gobolka todobaadkan. Waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto iyo madaxda Israa’iil.

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka ka dib dilkii hoggaamiyaha sare ee Xamaas Salex Al-Arouri oo Talaadadii lagu dilay caasimadda Lubnaan ee Beirut. Dilkiisa waxaa si weyn loogu eedeeyay Israa’iil. Israa’iil ma aysan xaqiijin mana beenin in ay ku lug leedahay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker