Maxaa Xoghayaha QM Iyo Farmaajo Dhex-maray Ka Hor Go’aankii Uu Qaatay?

Muqdisho-(OWN)- Ka hor inta aanu ku dhawaaqin inuu ergay cusub usoo magacaabayo xoghayaha guud ee QMAntónio Guterres ayaa wada-hadal la yeeshay madaxda sare ee Soomaaliya,

Sida aan xogta ku helnay, xogahayaha guud ee QM António Guterres, ayaa saddex goor soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kala hadlay in dib loo soo celiyo Haysom, islamarkaana qaladaadka dowladda ay ka tirsaneyso si kale ama wada-hadal lagu xaliyo oo la saxo.

Si kastaba, codsigaas ayaa la sheegay in Farmaajo uu ku gacan seedhay, una caddeeyey Guterres in go’aanka Soomaaliya uu yahay mid aan kasoo noqasho lahayn, oo ku yimid si aan fududeyn oo aad loogu fiirsaday.

Sida aan xogta ku helnay, waxyaabaha dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Haysom ku haysato arrimo ka ballaadhan warqadii uu soo saaray ee la xidhiidhay Baydhabo balse uu gaystay xadgudubyo ka dhan ah madax banaanida dalka.

“Waxaa jira hadallo gef ah oo uu sheegay iyo warqado dhowr ah oo Haysom uu qoray oo ka dhan ah qarannimada dalka, oo dowladda aad uga cadheysiiyey, waana la caddeeyey Guterres arrintaas” Waxaa sidaas yidhi il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la hadlay warbaahinta qaar.

Qaladaadka uu galay Haysom, ee dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres, ayaa waxaa ka mid ah; xidhiidho uu la sameynayey gobollada dalka sida Somaliland, wasiiro ka tirsan dowladda oo uu si aan sharciga waafaqsaneyn uu ula xidhiidhay, iyo waraaqo Amnesty International uu u diray oo uu dowladda ku eedeeyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.

Guterres oo markii saddexaad uguna dambeysay Farmaajo taleefon kula hadlay jimcihii, ayaa la sheegay inuu ka quustay inuu beddelo go’aanka Farmaajo, islamarkaana garwaaqsaday in arrinta aysan xal kale lahayn, oo aan ka ahayn in la beddelo Haysom.

Eedymaha loo haysto Haysom, oo aan si faah-faahsan u qornay markii la caydhiyey,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker