Niger oo talaabo hor leh ku dhawaaqday

Hogaamiyihii afgambiga ka geystay Niger, Gen Abdourahamane Tchiani, ayaa saxiixay amar u ogolaanaya dowladaha militariga ee Mali iyo Burkina Faso inay ciidamadooda u soo diraan dalkiisa si ay gacan uga geystaan ​​sidii looga hortagi lahaa weerar wadanka kale uga yimaada.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii wasiirrada arrimaha dibadda ee Burkina Faso, Olivia Rouamba, iyo Mali, Abdoulaye Diop, ay Khamiistii booqdeen caasimada Niamey.

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan inay dib u soo celiyaan madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Niger, Mohamed Bazoum, kaasoo ay koox saraakiil ciidan ahi xilka ka qaadeen bishii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker