Dibadbaxyo Waawayn oo Rabshado Wata oo Gilgilay Magaalada Basra Ee Dalka Ciraaq.

Waxaa wali magaalaada Bsra ee dalka Ciraaq ka sii socda dibadbaxyo rabshada wata oo ay dadka kaga soo horjeedaan dowladda.

Ayatollah Ali Sistani, oo ka mid hogaamiyayaasha Shiicada ee dalka Ciraaq ayaa rabshadahani ku eedeeyay dowladda.

Waxa uu ku baaqay in maamul cusub la dhiso kaasi oo ka duwan maamuladii horey dalkaasi uga arrimin jiray.

Siyaasiyiinta Ciraaq aya la daalaa dhacaya sidii ay u soo dhisi lahaayeen dowlad shaqaysa ka dib markii doorashdii dalkaasi ka dhacday uu xisbana ku soo bixi waayay aqlabiyada.

Dhismooyiin dheeraad ah ayay weerar ku qaadeen dibadbaxayaasha, waxaana ka mid ah goobaha la weeraray qunsuliyadda Iiraan oo dab la qabadsiiyay.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa toogasho lagu dilay.

Xukuumadda Ciraaq ayaa bandow ku soo rogtay magaalada Basra, islamarkana ciddii waddooyiinka lagu arko 9 habeenimo ka dib waxa ay wajahaysaa Xadhig.

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan degdeg ah si loo xaliyo dhibaatadan.

Dibadbaxayaasha magaalada Basra ayaa ka cabanaya adeegyada dowladda oo liita sida biyaha iyo korantada.

Dibadbaxyada ayaa dab lagu qabadsiiyay dhismooyiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker