Gudoomiye Cabdiraxmaan-Cirro Oo Maanta Qeddo-sharaf U Sammeeyay Siyaasiyiinta Iyo Wax-garadka Xisbiga Ee Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargaysa

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu maanta kulan qado sharafeed ah uu u sameeyey odeyada iyo siyaasiyiinta waaweyn ee ka tirsan Xisbigaasi ee ka soo jeeda deegaanada Waqooyiga iyo galbeedka ee Hargeysa.
Kulankan oo ujeedkiisu daarnaa dar-dar-gelinta hawlaha Xisbiga iyo weli ba sida oo kale kulan isbarasheed oo u dhaxeeya odeyada deegaankaasi iyo xoghayaha guud ee dhawaan loo doortay Xisbiga. Waxaana intii kulankaasi uu socdey la isla soo hadal qaadey siddii kor looggu qaadi lahaa loona dar-dar-gelin lahaa hawlaha Xisbigaasi maadaama Xisbigu uu ka soo baxay xili doorasheed sida oo kale na uu u diyaar garoobaayo doorashooyinkii deegaanada iyo Wakiilada ee Somaliland oo la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Waxa kale oo kulankaasi la is kula soo hadal qaadey dib u habeynta maamul ee muddooyinkii ka socotay gudaha Xisbiga WADDANI iyaga oo guddoomiyaha aad ugu boggaadiyey tallaabooyinkii uu ku sameeyey dhinaca maamulka Xisbiga. Waxaana ay sida oo kale aad u soo dhaweeyeen Xoghayaha guud ee la doortay iyo weli ba guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbigaasi ee dhawaan uu magacaabay guddoomiyahu.

Image may contain: 11 people, including Xasan Maal Dhidar, people smiling, people standingImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker