Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddiga tira-koobka iyo soo celinta hantida qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo muhiimadda siinaya soo celinta Hantida Qaranka ee ay lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991, ayaa magacaabay Guddi ka kooban8 xubnood, oo ka shaqeeya soo celinta hantida dowladda.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, soo celinta hantida Qaranka, ayaa loo kala hormarinayaa duruufaha loo qabo, in lagu fuliyo adeegyada Bulshada, ama baahida ay dowladu u qabto inay ku fuliso shaqo Qaran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker