Sirdoonka iyo korono-fayras

Raysalwasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa si adag u diiday codsi uga yimi raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo doonayey in ay Israa’iil ku caawiso qalabka neefsiga, si ay xukuumaddiisu wax uga qabato la tacaalista xanuunka ‘COVID-19’.

Diidmada ay Angela Merkel kala hortimid codsigaasi waxa ay masuuliyiinta Israa’iil ku abuurtay cadho badan oo gaadhay heer ay ka fikiraan in si abaal la’aan ah ay qalabkaas uga helaan Jarmalka iyo dalal kalaba.

Sida uu ku warramayo wargeyska Yedioth Ahronoth cadadkiisii soo baxay salaasadii 24-ka March, hadal dhinaca taleefanka ah oo ay yeesheen labada raysalwasaare ayaa uu Netenyahu dhiggiisa Jarmalka ugu sheegay dalabkiisan. Waxa se ay u sheegtay in Jarmalka qudhiisa ay ku yar yihiin qalabka neefsiga caawiyaa. Iyada oo intaas ku dartay in dhowaan codsigiisan ka hor ay Faransiiska amaano ugu dhiibtay boqollaal qalabkaas ka mid ah, sidaa awgeed aanay hadda suurtagal ahayn in dheeraad ay u hesho Israa’iil.

Xanuunka adduunka sida aadka ah ugu faafay ee Coronavirus ayaa abuuray baahi badan oo ay dalalka adduunka oo dhami u qabaan qalabkan. Maadaama oo Fayraskani uu dad badan ka abbaarayo sambabada kaddibna neefta xidhayo, haddaanu qofku helin qalanka neefsiga caawiya. Arrintan ayaa abuurtay walaac ay hoggaamiyeyaasha caalamku u hawlgaleen in ay samaystaan, soo iibsadaan ama xitaa ergis ku raadsadaan qalabkan.

Waa haddii aanay xoogba ku doonin sida ay samaysay Israa’iil, oo uu wargeysku sheegayo in ay ku guuldarraysatay dalabaad tiro badan oo arrintan la xidhiidha oo ay dalwado kala duwan u gudbisay.

Masuul ka tirsan xukuumadda Israa’iil oo magaciisa qariyey ayaa wargeyska u sheegay in sida muuqata aanay suurtagal noqonayn in Yurub laga helo wax qalab ah, maadaama oo ay dalalkii Yurub dhibaato ka haysato sidii ay iyagu isaga caawin lahaayeen arrintan.

Masuul kale ayaa isaguna warbixinta wargeyska Yedioth Ahronoth u sheegay adduunka oo dhan uu ku yar yahay qalabka neefsiga caawiyaa, Israa’iilna ay hadda loollan adag ugu jirto sidii ay ku heli lahayd, hab kasta oo ay u maraysaba.

MOSSAD oo waajibkeedu yahay ilaalinta amniga qaranka ayaa bilowday qorshe ay ku raadinayso helitaanka dhammaan agabka caafimaad ee muhiimka u ah daweynta iyo ka hortagga xanuunka Covid-19. Taliyaha hay’addan oo lagu magacaabo Yuuse Koohen ayaa isaga oo ka faa’iidaysanaya xidhiidhka shakhsiga ah ee uu la leeyahay hoggaamiyeyaasha iyo madaxda hay’adaha sirdoonka adduunka, waxa uu dejiyey qorshe uu ku soo helayo qalabkan.

Talefishanka KAN oo ay leedahay dawladda Israa’iil ayaa toddobaadkii hore baahiyey warbixin uu ku sheegayo in la dhisay koox ay hoggaaminayaan taliyaha MOSSAD iyo taliyaha amniga qaranka ee ISraa’iil Maa’ir Bin Shabaat oo shaqada loo igmaday ay tahay in ay dunida ka soo iibiyaan qalabka caafimaad ee ay Israa’iil u baahan tahay.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Israa’iil ay doonayso inay Maraykanka iyo dalal Khaliijka Carabta ah oo aanay magacaabin ka soo iibsato 10 kun oo ah mishiinnada neefsiga caawiya.

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay qalabka neefsiga caawiya ee ay Israa’iil imika haysata, in tiradiisu ay dhan tahay saddex kun oo mishiin. Sidaa awgeed ay jirto cabsi laga qabo, haddii ay korodho tirada dadka COVID-19 uu ku dhacayaa, in loo waayi doono qalab neefsi oo ku filan. Sida ku cad tirakoobka caalamiga ah ee 24 saacadood ka hor soo baxay, dad 8 kun ku dhow oo 43 ka mid ahi u dhinteen ayaa uu xanuunka Coronavirus ku dhacay Israa’iil.

Warar kale ayaa xaqiijinaya in MOSSAD ay qaaradda Yurub iyo meelo badan oo adduunka ah ka bilowday ol’oley ayaa iib ama sifo kale kiu helayso qalabka caafimaad ee waqtigan muhiim ah.

 

 

Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker