Magaalo dhan oo Bisadaha ka baqaneysa

Dadweynaha magaalada Fukuyama ee galbeedka Japan ayaa la gabagabeeyey cabsi laga qabo mukulaal/bisad ama yaanyuur qofba sida uu u yaqaan. Cabsidu ma ahayn in yaanyuurtu dadka cuneyso, laakiin waa in ay siddo sun halis ah oo ciddii u soo dhawaata loo yaabo.

Bisaddan oo la sheegay in ay ku dhex dhacday haan ay ku jirto kiimiko sun ah oo warshad laga soo dhuray, ayaa markii hore waxaa loo maleeyey in ay bakhtiday. Laakiin mid ka mid ah shaqaalaha warshadda ayaa goor dambe wuxuu arkay raadka yaanyuur rinji hurdi ah leh oo ka yimid haanta dhankeeda.

Saraakiisha caafimaadka Fukiyama oo ka welwelsan khatarta ka dhalan karta haddii yaanyuurta sumeysan ay suuqa gasho, ayaa dadweynaha kula taliyey in ay ka feejignaadaan mukulaalaha miraafa. Waxayna ogeysiis ku bixiyeen in ciddii ragta bisad baadi ama dool ah ay si dhakhso leh Booliska ugu soo wargeliso.

Intaas ka dib ayaa sheekada mukulaasha sumeysan ayaa magaalada Fukuyama gees ka gees ku faaftay, taasina waxay keentay cabsi weyn oo laga qaaday bisadaha baroshirixa leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker