Halkee ayay Maraysaa Dawo u Raadinta Xannuunka Covid-19?

Virus is “ simply a piece of bad news wrapped up in protein,” fayrasku waa fariin aad u xun oo lagu soo duubay barootiin.
Hal ku dhigaas waxa laga hayaa Sir Peter Brian Medawar oo ahaa saynis yahan ku guulaystay abaal marinta NOBEL-ta, oo ku xeeldheraa aqoonta barashada noolaha ee Biology-ga. Sidaa uu sheegay Dr Medawar, Fayrasku waa il-maqabatay dood wayni ka taagan tahay in uu yahay wax nool iyo in aanu ahayn. Awoodiisa ugu wayni waa hida-side ay ku duuban tahay xogta laga turjumo sida uu u shaqeeyo iyo sida uu u weeraro unugyada jidhka noolaha.
Fayraska SARS-CoV-2 ee keena xanuunkan aduunka wareeriyay ee Covid-19 waxa uu ka samaysan yahay waxyar oo hide-side ah iyo sagaal iyo labaatan barootiin. Sagaal iyo labaatan barootiin ayaa waxay ka hortegayaan boqolaal milyan oo barootiino ah oo uu ka samaysan yahay jidhka bani aadamku. Hadii in uun laga rejo qabo in la helo si lagu joojiyo weerarka Fayraskani ku hayo bani’aadamka waa in la helo wado lagu xakameeyo sagaal iyo labaatankaa barootiin ee fayraskani ka samaysan tahay.
Saynisyahano ka socda tobannaan dal ayaa sadexdii bilood ee lasoo dhaafay waxay isku deyayeen in ay ogaadaan sida uu dhab ahaan u samaysan yahay Fayraska SARS-CoV-2. Dedaal wayn kadib waxay ogaadeen in fayraskani uu leeyahay 29 barootiin oo keli ah. Dedaalka lagu jiraa waxa uu ku aadan yahay in la ogaado sida fayrasku ula fal-galo jidhka; in la fahmo sida uu u afduubo wershada u adeegta unugyada jidhka qofka uguna qasbo in ay isaga u shaqayso; iyo sida uu uga dhuunto difaaca jidhka ee uu uga dhabaco gantaalaha jidhku ku beegsado wixii cadow ah ee dibada kasoo weerara.
Waxa la raadinayaa in laga helo god-daloolo laga dhabar jebiyo. Hadii arimahan la ogaado waxa hadana la raadinayaa dawooyin fayraska ka hor istaagta in uu jidhka ku fido, in uu afduubo unugyadiisa, iyo in uu farabato. Waxaynu tilmaamaynaa dhowr meelood oo culinmadu ay beegsanayaan oo suuro gal ka dhigi karta in dawo ama tallaal loo helo fayraska.
La dagaalanka Fayrask COVID-19 waxay ka bilaabmi kartaa halka ugu horaysa oo ah in fayraska laga hor istaago in uu dhuumasho ku galo unugyada jidhka. Sida in badani la socoto, Fayraskan qaabkiisu waxa uu u egyahay madaxa-nacnac qoriga oo farraaro leh. Farraaradu waa kuwa fayraska loogu magac daray, markii la arkay in ay u egyihiin taajka boqoradu madaxa ku qaataan. Farraaradaasi waa kuwa fayraska ka caawiya in uu unugyada dhuumasho ku galo marka ay madaxa la galaan jeebab ay leeyihiin qaar ka midd ah unugyada jidhkeenu. Jeebabkan waxa la yidhaa ACE2 waana albaabka uu abbaaro fayrasku marka uu unuga u dhuumanayo.
Hadaba si aynu u sii fahano arimaha socda aynu is waydiino maxaa dhaca marka fayrasku jidhka soo galo? Marka fayrasku jidhka soo galo, ee difaaca jidhkuna ka war helo, waxa la sameeyaa barootiino loo yaqaan Antibodies oo jidhku isku difaaco. Barootiinadani waxay ku dhegaan farraaradii fayraska oo ay ka hor istaagaan in uu unuga dhex galo. Cusbitaalo badan oo Shiinaha, Maraykanka iyo Yurub-ba ku yaal ayaa waxay dadka buka ku mudayeen Antibody laga soo miiray dad fayrasku ku dhacay laakin ka bogsaday. Taasina waxay noqotay talaabada koobaad ee la dagaalanka fayraska.
Docda labaad ee fayraska laga wareemi karo waa iyadoo laga faa’iidaysto tallaabo xiiso badan oo uu fayrasku qaado marka Farraaradiisu madaxa la galaan jeebabka unugyada.
Si fayrasku unuga u dhex galo, waa in farraarka laba lookala jebiyo oo laga soo daayo barooriino caawiya gelitaanka. Mataqaan cida ka caawisa fayrasku in uu kala jebiyo farraaradiisa. Waxa shaqadaa u qabtay oo fayrasku ku guuraa insaym (Enzyme) unuga laftiisu leeyahay oo looyaqaan Furin ama TMPRSS2. Bal ka waran hadii aynu insaymkan ka hor istaagno in uu mooganaan fayraska ku caawiyo, miyaynaan markaas fayraskii u diidin in uu unuga soo galo. Dawadan Taraam ku khafiifay ee Hydroxychloroquine, ee lagu daweeyo xannuunka duumada, ayaa la saadaalinayaa inay sidan u shaqayso. Dawadan (Hydroxychloroquine) waxa la quud-daraynayaa in ay is hortaagto in Farraarada fayrasku madaxa la galaan Jeebabka unugyada iyo waliba in la kala jebiyo Farraarka si looga soo daayo barootiinadii fayrasku ku sii shaqayn lahaa.
Doc saddexaad ayaa lagaga iman karaa fayraska hadii arimahaas hore loodin waayaan. si aynu isula fahano kasoo qaad in Fayraskan SARS-CoV 2 uu caqabadahaas ka gudbay; farraaradiisana la dardar geliyo wuxuu u gudbayaa unugyada dhexdooda. Tallaabada koobaad ee uu qaadaa waa in uu miiq yar oo hide-sidihiisa ah (RNA) ku tolo hide-sidaha unuga qofka (DNA); taas oo keenta in unugii dhamaantiiba u afduubmo fayraska kana shaqeeyo sidii uu fayraska ugu noqon lahaa degaan uu ku farabato (Viral replication). Replication ama faro-badashada fayrasku waa howl aad u kakan oo u baahan barootiino tiro badan, hadii lagu guulaysto in la hakiyo ama la joojiyoba waxay hordhan u noqonaysaa in si buuxda looga guulaysto Fayraskan SARS-CoV 2 iyo xannuunkan COVID-19 ee uu keenoba. Dhowr dawo oo asal koodii loo adeegsan jiray joojinta faro-badashada Fayraska HIV ee dilaaga ah, ayaa lagu tijaabinayaa in ay bal wax ka taraan Fayraskanna.
Lironlimab, Lobinavir/ritonavir waa dawooyin loo adeegsado la tacaalida HIV?AIDs, awooda ay u leeyihiin in ay joojiyaan farabadashada fayraska darteed, hadana waxa lagu tijaabinayaa in ay wax ka taraan xannuunkan COVID-19; hasayeeshee ilaa hada lama hayo dawo natiijo la taaban karo soo hoysay.
Aan dhan kale kaga nimaadno dhabar jabinta fayraska, laakiin intaynaan u daadagin arrin kale oo muhiim ah ayay tahay in lagu baraarug sannaado:dawooyinka lagula tacaalo fayrasyadu (Antiviral drugs) waxay sifiican u shaqeeyaan bilowga hore ee xannuunka inta aanu fayrasku jidhka ku baahin ee aanu afduubin unugyada jidhka. Hadiise uu heerkaas gaadho dawooyinka fayrasku wax badan ma taraan.
Culimada caafimadaka Shiinaha, Talyaaniga iyo Isbayn ee ku howlanaa daawaynta dadka COVID 19 uu dhulka dhigay, waxay ogaadeen in dadka xaaladoodu ay aad u liidatay una baahday mashiinka neefsiga (Ventilator) dhibta ugu wayn waxa soo gaadhsiiyay Difaacii jidhkooda oo karkaarka goostay. Marka difaaca jidhka la cariyo waxa uu galaa xaalad aanu kala sooci karin unugyadii fayrasku afduubay iyo kuwii fayoobaa xaaladaa talo-faro ka haaday waxa loo yaqaan Cytokine storm.
Xaaladaas Cytokine storm kuma koobna COVID 19 oo keli ah; waxay ku dhici kartaa dadka qaba xannuunada difaaca jidhka sida roomatiisamka, xannuunada xasaasiyada, iyo kuwa lagu beeray xubno, sida qof loo geliyay keli, ama lagu shubay dhuux. Hadaba waxa jira koox dawooyin ah oo lagu dejiyo difaaca jidhka ee xayraamay. Dawooyinkaas waxa ka midd ah dawada Anakinra oo ah dawo sida rasmiga ah lagu daweeyo xanuunka roomatiisamka. Dawadan ayay koox culimo Shiine ahi ku tijaabiyeen dadka lasoo dhacay COVID 19 ee difaaca jidhkoodu gaadhay heerkaa khatarta ah ee aynu nidhi cytokine storm.
Inkastoo aanay horumar buuran oo lagu farxo tijaabadaasi soo hoyn, hadana wali rajo ayaa laaban oo lagama wada quus goyn. Tijaabooyin kale oo ay culimo Maraykan ah wadaan ayaa socda; iyaguna waxay adeegsanayaan labada dawo ee Tocilizumab iyo Ruxolitinib oo ah dawooyin lagu dejiyo difaaca jidhka.
Ujeedadu waa in la yareeyo dhaawaca khatarta ah ee difaaca jidhkeenu gaadhsiinayo unugyadiisa taasi oo mararka qaar kaba halis badan fayraska. Inta badan cilmi-baadhista socotaa waxay ku salaysan tahay sidii dawooyin hore u jiray oo la yaqaan amaankooda iyo wax tarkoodaba loogu eegi lahaa in ay wax ka taraan Fayraskan cusub. Waxaase iyana bilow uun ah in la raadiyo qaar u gaar ah fayraskan oo isaga lagu
tijaabiyay, hasayeeshee dawo cusubi wakhti dheer ayay u baahan tahay inta laga hubsanayo wax tarkeeda iyo amaankeedaba. Taasna xaalka taagani inagu simi maayo.
Sida la saadaalinayo, hadiiba dawo xanuunkan lagu maareeyo loo helo, afartaa dhinac midkood ama dhowr ka midd ah ama dhamaantood ayaa lagaga iman karaa fayraskan.
Afeef: Qaybo kamidd ah maqaalka waxaan kasoo qaatay maqaal cilmiyeed wiigan lagu daabacay wargayska The Atlantic.
Dr-Abdikarim D Hassan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker