Gabadh Musqul La Duntay Xaafada Daami ee Hargeysa Oo Lagasoo Badbaadiyay

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay degmada Gacan-libaax badbaadadaas oo ahayd Gabadh Suuli ku dhacday lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.
Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay gabadhaas ka soo saaraan musqusha.
Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.
Dadweynihii goobta joogay iyo eheladii gabadhaa ku dhacday Suuliga ayaa iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyeen gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo gurmadkii ay waydiisteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker