Xulka Talyaaniga oo mar kale ka haray Koobka Adduunka

Xulka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa ka haray Koobka Adduunka, kadib markii 1-0 uu uga adkaaday waddanka North Macedonia ciyaartii isreebreebka ee semi-finalka ee ka dhacday garoonka Renzo Barbera, iyadoo daqiiqaddii 92-aad ee dhammaadka ciyaarta uu Aleksandar Trajkovski ka dhaliyay goolka guusha.

Xulka heysata horyaalka Yurub ee Italy ayaan u soo bixin Koobka Adduunka ee afar sano ka hor ka dhacay dalka Ruushka, waxaynta xilligaas aheyd markii ugu horeysay oo ay ku guuldareystaan inay u soo baxaan tartanka ciyaaraha adduunka tan iyo 1958.

Ciyaartii xalay ayaa Talyaanigu ka awood sarreeyay xulka North Macedonia, iyaga oo mar kasta isku dayayay ina dhaliyaan gool, waxaana xulka Roberto Mancini ay sameeyeen 32 iskuday oo ay ku raadinayee fursad gool ah.

North Macedonia ay ciyaarta kama dambeysta ah ee is reebrebka koobka addunka ee dabayaaqada sanadkan lagu qaban doono dalka Qadar la ciyaari doonaan xulka Portugal todobaadka soo socda. Portugal ayaa iyana kasoo badisay xulka Turkey.

“Waa niyad jab weyn, aad ayay ii dhaawacday natiijadan, waxaan sameyneynay fursado aan dhammeystir lahey, mana ahan in cid gaar ah la eedeeyo” ayuu khadka dhexe ee Talyaaniga Jorginho u sheegay Rai Sport.

Talyaanigu uma ekeyn in uu halis badan ku jiro, balse Trajkovski, oo u ciyaara kooxda Al-Fayha ee waddanka Sacuudiga, ayaa ka dhaliyay goolka reebay, isagoo magaciisa ku qoray buugaagta taariikhda ee North Macedonia.

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker