Raiisul wasaaradda Cusub ee Dalka Denmark oo ballan qaaday inay Dabcin doonto Qaabkii Loola dhaqmi jiray Qoxoontiga

Xukuumadda cusub ee dalka Denmark ayaa la sheegay inay debcisay Go’aankii adkaa ee lagula macaamili jirey dadka Muhaajiriinta Ah ee ku nool dalkaasi, gaar ahaan kuwa horey loogu wargeliyey in dib loogu celin doono dalalkoodii  hooyo.

 

Xukuumadda Cusub ee dalkaasi ee Xisbiga Social Democrats ayaa debcisay mowqifkii ay ka taagnaayeen dhanka Muhaajiriinta, tan iyo markii Ololaha Doorashadda, waxayna muddo 3 isbuuc  ah wada-xaajood la lahaayeen saddexda Xisbi ee ay kula heshiiyeen inay taageeraan Xukuumadda Cusub ee dalkaasi.

 

 

Mette Frederiksen ayaa ah Ra’isul-wasaarada cusub ee dalkaasi, waana 41-jir noqotay Ra’isul-wasaarihii ugu da’da yaraa ee soo mara Taariikhda dalkaasi, waana Haweeneydii Labaad ee Ra’isul-wasaare ka noqota Denmark .

Mette Frederiksen oo hoggaamisa Xisbiga The Socdal Democrats waxa uu Xisbigaasi horey bandow ugu soo rogay inay Haweenka Muslimiinta AHI Xidhaan Niqaabka waxaana uu aad u Adkeeyay Magan galinta Dadka Qaxoontiga ah ee dalkaasi miciin soo bida, Waxaa kaloo  dadka Qaxoontiga ah lagu handadi jiray in dib Loogu celin doono  dalalkii ay u dhasheen.

 

Shabadda Wararka ee infomigrants.netwaxay qortay in Xisbiga haya Talada dalka Denmark ee Social Democrats iyo saddex Xisbi ee kale ku heshiiyeen Heshiis ka kooban 18 Bog, kaasi oo noqon kara in isbedel Fudud la sameeyo.

Heshiiska ay gaadheen Xisbiga Ra’isul-wasaarada cusub ee dalka Denmark iyo saddexda Xisbi ee Social Liberals ee iyagu Xulufada la ah ayaa noqonaya  Isbahaysigii ugu in dhawaleba gaadhay Heshiis laga fili karo isbadal la Taaban karo oo ku saabsan Muhaajiriinta  (The‘Red-Green Alliance’ iyo Xisbiga Socialist People’s Party (SF) waxa uu ku salaysan yahay in Siyaasadda ku wajahan Muhaajiriinta la debcin doono.

Ra’isul-wasaarada cusub ee dalkaasi ayaa looga baahan yahay inad la timaado Siyaasad aad u dabacsan oo ku aadan dadka Muhaajiriinta ee ku nool dalkaasi.
Sida laga soo xigtay Wargeyska The Local ee dalkaasi  Denmark kasoo baxa, waxay Ra’isul-wasaare Mette Frederiksen sii wadi doonto inay diirada saarto Dib-u-celinta iyo Magangelyadda xilliga kooban ee la siiyo Muhaajiriinta.

Qorshe hore oo la doonayey in dadka la diido codsiyadooda Magangelyo-doonka ee la masaafurin doono lagu sii hayo Jesiirad ku taalla Badda Baltic Sea oo Shaybaar u ah Qansiirka ayaa iyadana meesha laga saaray, oo laga noqday qorshahaasi.

Shabakadda kale ee “Refugees.DK” oo inta badan laga helo Warbixinadda qaxootiga ku nool dalka Denmark oo horey Abaalmarino ugu helay Hawshooda ku aadan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadashay Siyaasadda Xukuumadda cusub ee Arrimaha Muhaajiriinta.

Shabakadu waxay qortay in Qaxootiga lumiyey Oggolaanshihii Deganaanshaha Denmark haddii ay xaalladda dalalkooda hooyo soo hagaagtay in haatan loo oggolaan doono inay sii joogaan Denmark.

Qaxootiga loo oggolaanayo inay sii joogaan dalkaasi ayaa ah kuwa shaqa haystay ugu yaraan 2-sanno, welina shaqeeya.

Isbedelka Fudud ee Siyaasadda Denmark waxay kaloo muhiim u noqon doontaa mustaqbalkooda 900 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo Deganaanshaha dalkaasi lumiyey intii lagu guda-jirey sannadkii hore iyo qaar kale oo u dhashay dalka Denmark.

Si kastaba ha ahaatee, tirooyinka ugu badan ee iska dhiiba dalkaasi Sannadkan 2019-ka waxay ka kala yimaadeen dalalka Syria, Eritrea, Moroko, Georgia iyo Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker