Khilaafka Talyaaniga Iyo Golaha Midowga Yurub Oo Sii Cirka Isku Shareeray.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku gacan seyrtay dalab uga yimid golaha midowga Yurub oo ahaa in Talyaanigu uu dhimo miisaaniyaddiisa uu kharashka badan ku baxayo, waxa uuna ku adkeystay miisaaniyaddii hori ugu sii qorsheysneed.

talyaani

Golaha midowga Yurub ayaa ka walaacsan saameynta qarashka badan ee Talyaaniga ku yeelanayo deymaha badan ee dalkaasi lagu leeyahay, waxana xukuumadda Rome uu ka dalbaday in ay dib u eegto miisaaniyaddeeda haddii kalana ay wajahdo ganaax.

Talaadadii shalay aheed ayaa loo qabtay in uu yahay waqtiga kama dambeesta ah ee ay tahay in Talyaaniga uu u hogaansamo amarkaasi golaha midowga Yurub.

Hanjabaada golahani uu u soo jeediyay Talyaaniga oo ah wadanka sadaxaad ee ugu dhaqaale roon wadamada reer Yurub ayaa ah mid aan horey loo arkin oo ka dhan ah wadan xubin ka ah midowga Yurub.

Golaha midowga Yurub ayaa hada eegaya inuu qaado talaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah xukuumada Rome.

Waxaa jiray cabsi ah in go’aanka Talyaaniga uu sare qaadi doono qarashka ku baxaya amaahda. Waxaa maanta durbaba boqolkiiba hal hoos u dhacay suuqa saamiyada ee Milaan.

Maxay tahay sababta Talyaanigu u doonayo in uu isticmaalo qarash tiro badan?

Dowlada Talyaaniga oo ka kooban xisbiga caanka ah ee dhaqdhaqaaqa shanta xidigood iyo xisbiga garabka midi gee Leegada ayaa xukunka dalkaasi la wareegay iyaga oo wacad ku maray in ay soo afjarayaan saboolnimada, isla markaana balan qaaday in ay dhimaan canshuurta iyo in ay meesha ka saaraan kordhinta la kordhiyay da’da ay tahay dadka in ay hawlgab ku noqdaan.

Si ay balan qadkaasi uga dhabeyso ayaa waxa ay sare qaaday farqiga u dhaxeeya kharashka dowladda ku baxayo iyo wax soo saarka dhaqaale ee dalka.

Waraaq uu wasiirka maaliyadda ee Talyaaniga u qoray golaha midowga Yurub ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay ka go’antahay balan qaadkii ahaa in ay sii wado xoojinta dhaqaalaha dadweynaha, balse wuxuu ku adkaystay in ay hiigsanayaan in 2.4% ay gaarsiiyaan bartilmaameedka farqida u dhaxeeya dakhliga dalka iyo kharashaadka dowladda, kaa oo uu ku sheegay “xaddid aan la goyn karin”.

talyaani

Waxa uu sheegay in Talyaanigu uu hiigsanayo in uu iibiyo hantida dowladda si loo helo dhaqaale gaaraya boqolkiiba hal wax soo saarka dalka oo lagu bixinayo deymaha lagu leeyahay dalkaasi.

Balse waxa uu wasiirku sheegay in Talyaaniga uu khasarash ku galay buundadii Morandi ee burburtay bishii Agosto ee sanadkan isla markaana 43 qof ay ku dhinteen. Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday toddobaadyo fatahaado iyo cimilo aad u xun ay ka jireen Talyaaniga, kuwaasi oo dhibaato ba’an u geystay dalkiisa.

talyaani

Qarashka lagu dayactirayo burburkaasi ayaa lagu qiyaasay 0.2% dakhliga dalkaasi muddada sadaxda sano ah ee soo socda.

Hoggaamiyaha xisbiga Leegada, Matteo Salvini, ayaa lagu soo waramayaa in uu yiri golaha midowga Yurub ” uu qaldamay haddii uu ka fikirayo sidii loo ganaaxi lahaa dadka Talyaaniga”.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku doodeysa in bixinta deynta dalkaasi oo u dhiganta 131% wax soo saarka dalka ay dhibaato ku noqoneyso dadka dalkaasi Talyaaniga oo aan wali ka soo kaban dhibaatada dhaqaale ee soo jirtay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Dhaqaalaha Talyaaniga ayaa wali aad uga liita sidii uu ahaa sanadkii 2008-dii, waxaana dowladda wadaagga ah ee hadda jirta ay ku doodeysaa in la dhaqaajin karo kobaca dhaqaalaha dalkaasi haddii la kordhiyo kharashaadka dowladda.

talyaani

Heerka deynta Talyaaniga

Heerka ay gaarsiisan tahay deynta lagu leeyahay dalka Talyaaniga ayaa golaha midowga Yurub waxa uu ku tilmaamay mid halis ku ah dhaqaalaha dalkaasi.

Wasiirka maaliyadda Talyaaniga ayaa waraaqda uu u qoray golaha midowga Yurub waxa ku sheegay in ay filayaan in deymaha dalkiisa lagu leeyahay ay hoos u dhici doonto saddexda sano ee soo socda.

Shalay oo talaada ahayd ayaa hay’adda caalamiga ah ee lacagaha adduunka ee IMF waxa ay shaki gelisay saadaasha wasiirka ee ah in dhaqaalaha dalkiisa uu kobci doono 1.5% sanadka 2019 iyo 1.6% sandka 2020.

Xigasho;- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker