Dhegayso: Xisbiga Dimoqraadiga Maraykanka oo Shaaciyey Qodobada Xil-ka-Xayuubinta Donald Trump

Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday laba eedeymood oo ku Saabsan Xil-ka-xayuubinta oo ka dhan ah madaxweyne Donald Trump.

 

Dimoqraadiga Ayaa Madaxweynaha ku eedeeyeen ku Xadgudubka Awoodda Xafiiskiisa iyo is-Hortaagga cadaaladda, isaga oo ku cadaadiyey Ukraine inay gacan ka siiso inuu weeraro musharax kula loolami kara doorashada 2020.

 

Dacwadahan, ayaa haddii ay Ansixiyaan Xubnaha Aqalka Wakiilada oo u codeynaya Toddobaadka Dambe , waxay Trump ka dhigi doonaan kaliya madaxweynihii saddexaad ee Taariikhda Mareykanka ee Xil-ka-xayuubintiisa la dalbado, wuxuuna wajihi doonaa in lagu maxkamadeeyo Aqalka Senate-ka.

 

“Madaxweynaheena wuxuu haystaa kalsoonida ugu dambeysa ee shacabka” waxaa sidaas yidhi Jared Nadler oo madax ka ah guddi Hoosaadka Carsoorka ee Aqalka   Congress-ka.

 

 

“Marka uu Qiyaameeyo  kalsoonidaas, islamarkaana uu dantiisa ka Hormariyo tan dalka, waxa uu halis Gelinayaa Dastruurka, waxa uu halis gelinayaa dimoqraadiyaddeena, waxa uuna halis gelinayaa Amniga Qaranka.” Ayuu yidhi.

 

Adam Schiff, oo ah madaxa Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Wakiilada, oo Maamulayey Baadhitaanka ayaa sheegay in “sii wadista ku xadgudubka awoodda” ee Trump ay Dimqoraadiga siisay ikhtiyaar aan ka ahayn tallaabada ay qaadeen.

 

“Caddeymaha ka dhanka ah hab dhaqanka madaxweynaha waa kuwa aad u badan oo aan la loodin karin” ayuu yiri.

Haddaba qodobadan ayaa Axmed Cali Sheekh uu wax ka weydiiyey Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha Marayaknka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker