Dalka New Zealand oo Albaabada u laabay Xawaaladaha Soomaalida

Soomaalida ku nool dalka New Zealand ayaa waxaa heysta caqabado dhanka lacag-dirista ah oo ka dhashey kadib markii bankiyada waddankaas ay xisaabaadkooda ka xidheen xawaaladaha Soomaalida.

Mas’uuliyiinta jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegay inay dhowr jeer arrintan kala kulmeen dowladda New Zealand, balse aanay  jirin wax xal ah oo arrintan laga gaaray.

Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa lacagaha hadda marsiiyo Soomaalida ku nool dalka Australia ee deriska la eh New Zealand, si ay uga sii diraan, halka qaarkoodna ayba u guureen halkaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker