Eedaysanayaal Somali Ah Oo Lagu Helay inay Qeyb Ka Ahaayeen Weerarkii Westgate ee Nairobi

Labo ka mid ah saddex nin oo loo heystay inay gacan ka geysteen weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013 ayaa lagu helay caddeymo. Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay weerarkaas.

Xaakim Francis Andayi ayaa sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay caddeymo, Saddexdan nin ayaa loo heystay inay kooxdii weerarka soo qaadday ay caawiyeen.

Weerarkaas oo dhacay bishii September 2013 waxaa ku dhintay 62 qof oo rayid ah, shan ciidamada ammaanka ka tirsanaa iyo afartii qof ee weerarka soo qaadday.

Ninka saddexaad ee la sii daayay ayaa la dhashay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya ayaa laga qaaday dhalashada Kenya oo uu heystay, isagoo lagu eedeeyay inuu sharci la`aan dalka ku joogay.

Labada lagu helay caddeynta waxay kala yihiin Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah oo Kenya u dhashay.

kiiskan ayaa soo jiitamayay muddo toddoba sano ah ,Xukunkan labadan nin ayaa dib loo dhigay 22-ka bishan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker