Shil Tareen Oo Saaka Ka Dhacay Wadanka Turkiga Ayaa Sababay Khasaare Isugu Jira Dhimasho & Dhaawacyo.

Ankara-(OWN)-Burbur uu sababay Tarteen kuwa dheereeya ah oo ka dhacay caasimadda Ankara ee dalka Turkiga ayaa dhaliyay dhimasho 4-ah iyo dhaawacyo gaaraya dhowr iyo 40-tameeyo.

Barasaabka Ankara Vasip Sahin.ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen daadgureynta dadkii dhaawacmay ,isla markaana loo qaaday cisbitaalada.

Shilkaan oo dhacay saaka ayaa wararka qaar ay sheegayaan in uu yimid ka dib markii Tariin kuwa dheereeya ah uu ku dhacay Taangi yar oo ah mishiinka tijaabada, kuna socday isla wadadaasi.

Waxaa durbaba la bilaabay baadhitaan ku saabsan  waxa sababay shilkaasi Tariin.oo  ku socday gobolka Konya oo dhaca bartamaha Turkiga.

Waxaa jira burbur soo gaadhay Gawaadhi ka agdhawaa halkasi iyo dhismooyin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker