Al Shabaab Oo War kasoo Saartay Weerar ay ka Fulisay Deegaanka Gaarisa Ee Dalka Kenya

Dagaalyahano aad u hubeesan oo ka Tirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar qorsheesan ku qaaday deegaan lagu magacaabo Dhicise oo ku dhaw magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

 

Al Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegay saldhig ay lahaayeen ciidanka booliiska ee deegaankasi, sidoo kale-na waxa ay dab qabad-siiyeen xarun deegaankaasi ku laheyd shirkada Isgaarsiinta Safaricom.

 

 

War kasoo baxay Al Shababa ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda la wareegeen deegaanka Dhicise , waxa ayna Al Shababa sheegeen in deegaankaasi kasoo rarteen agabyo kala duwan ay lahaayeen ciidanka booliiska.

 

 

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada booliiska Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

 

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto, Al Shabaab ayaana deegaanada ay weerarada ka fuliso sidoo kale ku bartilmaameedsata saldhigyada iyo xarumaha shirkada Safaricom.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker