Dawlada Kenya Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Prof Ibraahim Faarax Bursaliid Bursaliid Iyo Dad Kale Oo Xabsiga Kula Jiray Oo Xidhnaa Mudo Shan Cisho Ah

Nairobi (OWN) Dowladda Kenya ayaa xalay Xabsiga ka siideysay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid Bursaliid,kaas oo mudo 5 Cisho ah xidhnaa Xabsi ku yaalla Magalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi Kenya.

7-dii Bishaan ayaa Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ay Gurigiisa kala baxeen Dr Bursaliid, iyada oo lala Xidhay Saddex qof oo kale oo Soomaali ah, kuwaas oo Eedo isku mid ah loo wada jeediyay.

Aqoonyahan Bursaliid oo ah falanqeeye Arrimaha Siyaasada ayaa wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi,waxaana dhawaan Dowladda Kenya ay horkeentay Maxkamada, iyada oo isaga iyo rag kale ku eedeeysay inay Xidhiidh  la leeyihiin Kooxo  Argagaxiso,hayeeshee haatan wax dambi ah lagu waayay.

Xidhitaanka Aqoonyahan Bursaliid ayaa kusoo aaday xilli ay weli taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya wallow Kenya ay sheegtay in xarigiisa aysan xiisadaas ku lug laheyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker