Madaxweyne Donald Trump Oo Hakiyay Aqoonsiga Deganaashaha Maraykanka Ee Green Card

Madaxweyne Donald Trump ayaa Salaadadi shalay ku dhawaaqay in maamulkiisa uu si ku meel gaar ah, muddo 60 cisha ah uu u joojinayo, soo saarista aqoonsiga Green Card-ka loo yaqaano ee la siiyo dadka loo ogolaado in ay ku noolaadaan Mareykanka.

Go’aankaan ayaa in ay Mareykanka soo galaan ka hor-istaagi doona, tobnaan kun oo qof oo qorshuhu ahaa in ay so dagaan Mareykanka. Hase yeeshee, wuxuusan saameyn doonin shaqaalaha la shaqeeya wax soo saarka beeraha.

Trump ayaa sheegay in ay qalad iyo caddaalad darro ku tahay dadka shaqooyinkooda ku waayay cudurka COVID-19, in ay baddalaan shaqaalo soo galooti cusub ah oo Mareykanka yimaada.

Waxaa kale oo uu sheegay in mudadda gaaban ee hakadka la geliyay Green Card-ka uu xal iyo dhowrsanaan u noqon doono, nidaamka caafimaadka waddanka oo hadda uu aad uga tan badiyay cudurka Caronavirus.
Madaxweyne Tump wuxuu sheegay in uu filayo in sharcigan uu saxiixi doono Arbacada maanta ah.

Dadka dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegaya, in sababta uu madaxweynaha u hakiyay soo saarista Green Card-ka ay tahay, inuu mar kale uusoo jiito taageerayaashiisa, xilli ay kusoo wajahantahay doorashada madaxtinimada ee dalkaan ka dhici doonta bisha November.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker