Maayarka Caasimadda Oo Tallaabo ka qaaday Rag lacago laaluush ah Ka ururisanayey Dumar danyarta ah

Waxaan bogaadinayaa tallaabadii degdegga ahayd ee maayar Cabdikariim ka qaaday niman cashuur ururiyaal ah oo dumarkii danyarta ahaa ee Sahamiye Foundation lacagaha siiyey ka daba tegay oo lacago laaluush ah ka qaatay. Waxay ka qaadeen $30-$40 kuwii aannu siinnay $500, halka kuwa muuska iibiya ee aannu siinnay $200 ay ka qaateen $10-$20.

Nimankan oo muddo dheer cashuuraha ka ururin jiray suuqa Waaheen, waxay ka mid ahayeen dadkii ka shaqeynayey aqoonsiga dumarkii la diiwaan gelinayey. Markii ay arkeen in si adag loo hubinayo liisaska dadka oo aanay suuragal ahayn in magacyo been ah lacag lagu qaato ayay la yimaaddeen qorshahan.

Waa masiibo qaran oo kale in hay’adaha dawladda ay ka shaqeeyaan oo metelaan dad damiirkoodu siinayo in ay dhacaan dadkeenna kuwii ugu jilicsanaa ee ku caydhoobay suuqii gubtay.

Sida keliya ee wax looga qaban karaa waa in ololihii dooxa Hargeysa lagu nadiifiyey mid la mid ah oo dadweynuhu ka wada qayb qaataan hay’adaha dalka ka shaqeeya looga nadiifiyo xatooyada iyo musuqa baahsan ee kansarka noqday.

Waxa aan iyagana bogaadinayaa dadkii warka nasoo gaadhsiiyey oo aannu abaalmarin siin doonno si loo dhiirrigeliyo in siidhiga lagu afuufo dadka musuqa sameeya.

Waxa qoray, Ganacsade Ismaaciil Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker