MADAXWAYNE MUUSE BIIXI CABDI : KU QABSO KU QADI MAYSIDE.

Dhacdoo kastoo oo dalkii hooyo ka timaadaa waa mid yaabkeeda leh oo
mahadho reebta, may fogayn markii aan clip yar oo xanbaarsan war dhiilo
leh ka halacsaday Hadhwanaagews iyo Oodweynenews labadaba waxa si cadho
ku jirto uga hadlaya Shaadiya Ismaaciil Aw-Maxamuud iyo laba haweena
oo kale iyo nin dhawaan si xaqdarro ah loogu xidhay Bir-jeex kuwaasi
oo cadho hadlaya sheegay in dad siddeed ruux ah la xidhay Shalay oo ay
ku jiraan labo Hablood oo yar yar oo ka qaybqaadan lahaa Imtixaankii
Fasalka sideedaad. taasi oo sida ay Shaadiyi sheegtay ay Beel ka kasoo
wada jeedaan Madaxwayne Biixiga aan la Mahadin ee ku habsaday
Kursigii dalka ugu sareeyay.

 

Dhacadadani waxa ay imanaysaa guux baryahaaba jiray oo tibaaxayay in Madaxwayne Biixi u qorshaynayo in duuduleedka galbeed ee caasimadda Hargaysa u raro qasrigga looga arrimiyo Somaliland iyadoo sida tibaaxuhu igu soo gaadhayaan ay tahay bogcad
dhula oo ay isku haysteen labo Ardaa oo isku Beel guuda kuwaasi hadal
hayntoodu taagnayd mudo dheer oo ku siman 20 sanno. iyadoo ay marka
horeba layaab lahayd waxa loo kala guri waayay oo runta loogu kala
qeexi waayay labada Qoys ka leh Bogcadaa dhulka ah iyadoo sida la inoo
sheego ay jirto Dawlad Hoose oo uu Mayor ka yahay mid Baloodh uun
eryada oo haddii aad tagato xafiiskiisa ku qufulan Shabag sidii
libaaxa ama xayawaanka kale marka loo daawasho tago iyadoo lagu hayo
Zoo haddii uu Solteco yahay mid ah Mayor sax ah 20 sanno ayaad
sheegaysaa may qaadateen 2 Wiig inta lagu kala gurayo labadan Qoys ee
Beerta midba dhinaciisa ka sheeganayo,

Aan u soo noqdo dulucda Maqaalka
ee waxa ay Shaadiyi ka sheegtay Warbaahinta iyadoo cadho ka finiinayso
korkeeda in Madaxwayne Biixi uu waxba ka qaban waayay arrinkaa labadaa
qoys oo dhinacwalba ka ah dad wada dhashay iyadoo loola tagay Ergo
marar badan iyadoo uu dhagaha ka furaysatay inuu xal ka keeno arrinkaa.
Iyaba waa Cibaaro ee ninkaa sidaa ahaa waa Madaxwayne Biixi ee ayaa
Eebbe uga dhigay Madaxwayne dalkii kaaga darane halkii la lahaa hadduu
wax ka qaban oo uu noqday ninka dalka ugu sareeyay ayuu ku tiraabay
inuu beertaba u qorsheeyay inuu ka dhigo Madaxtooyadda Somaliland kala
saar uu kala saaraa ha kuu joogee. Iyadoo ay dadka ku noqotay fajaciso
iyo amankaag taasi oo u muuqata inuu qaaday tubtii inaadeerkii
Cagowayne oo can ku ahaa inuu dadka ku qabsado dhul aanu lahayn oo
xataa haddii ay dhaar kalifayso been ugu dhaaran jiray kaasi oo keenay
halkudheg caan ka noqday Somaliland oo dhan KU QABSO KU QADI MAYSIDE. Markaa waxaynu odhan karaa Muuse oo manta ah Madaxwaynihii Somalilandwaxa uu la yimi tabtii iyo xeeshii inaaderkii Cagawayne hadiise ay noqotahy inuu u doortay Madaxtooyadda cusub inuu ka dhigo Beerta
Maxamed Xasan Ismaaciill (ina Xasan Dalab), waxa aan garan la’ahay
Madaxwayne Biixiga Baloodh yar ay isku haysataan qoys leh anagaa leh
dhulkan sida uu ugu cadaalad fali karo 4 million oo Somalilander ah,
taasi waa calaacal timo leh waxa maanta quus jooga kuwii u haystay
inay u halgamayaan Madaxwayne daacad ah oo u cadaalad fali doona dadka
reer Somaliland min Saylac ilaa Ceelaayo waxaan leeyahay Reer Xarafow
Muuse waa kaa ee haddii aad Kulmiye cabsanayd iyo haddii aad Muuse
Biixi liqsanaydba Muuse waxa uu marayaa Balood yar oo uu reer ku
haysto isagaoo leh KU QABSO KU QADI MAYSIDE.

W/Q: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker