Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Diiday Inuu Abid Ruushka U Shaqeeyay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu u shaqeeyo Ruushka, arrintaas oo uu kaga jawaabayay wararkii ugu dambeeyay ee su’aasha galinayay xiriirka Trump kala dhaxeeya Moscow.

Isagoo weriyayaasha kula hadlayay Aqalka Cad xilli uu u kicitimayay Louisiana, ayaa waxa uu sheegay: “Abid uma aanan shaqeyn Ruushka.”

Waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday warbixin uu qoray wargeyska Washington Post, taas oo tilmaamaysay inuu madaxweynaha qariyay tarjumaadda kulankii uu la yeeshay madaxweyne Putin.

Dhanka kale wargeyska New York Times ayaa waxa uu sheegayaa in FBI-da Mareykanka ay baaritaan aanan horay loo shaacin ku bilaabeen madaxweynaha.

Muxuu ahaa baaritaanka FBI-da?

Sida uu qoray wargeyska, shakiga FBI-du waxa u xoogaystay kaddib markii uu Mr Trump xilkii ka qaaday agaasimihii hay’addaasi, James Comey, bishii May 2017.

Baaritaanka FBI-da ayuu wargeyska New York Times ku warramayaa inuu la wareegay golaha gaarka ah ee wasaaradda cadaaladda ee uu hogaaminayo Robert Mueller.

Mr Mueller ayaa waxa uu hogaaminayaa baaritaan socda oo lagu ogaanayo in ololihii Mr Trump uu qeyb ku lahaa galaangalkii Kremlin-ka uu ku yeeshay doorashooyinkii madaxtinimada ee 2016.

Mar bannaanka Aqalka Cad Isniintii lagu waydiiyay inuu Ruushka u shaqeeyo, ayuu Mr Trump markiiba horay ka diiday arrintaasi ka hor inta uusan ku darin: “Waxaan filayaa inay ceeb tahay inaad xitaa su’aashaas i waydiisid balse waa been abuur un.”

Labada hogaamiye ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen intii uu socday shirkii G20 ee Humburg 20017Labada hogaamiye ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen intii uu socday shirkii G20 ee Humburg 20017

Madaxweynaha ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aal noocaas oo kale ah waxaa Sabtidii waydiiyay weriye ka tirsan Fox News, taas oo uu madaxweynuhu ugu yeeray “caydii ugu darneyd ee abid la I waydiiyay”.

Wargeyska New York Times ayaa waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in aanay jirin wax caddeyn ah oo si buuxda u soo shaacbaxay oo tilmaamaya in Mr Trump uu amar ka qaatay saraakiil ka tirsan dowladda Ruushka.

Isniintii, madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in xilkii uu ka qaaday Mr Comey uu ahaa “howl weyn oo uu dalkayaga u qabtay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker