Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sool

Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta ka hadlay dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Jid-baalle ee gobolka Sool.

Dagaalkaasi oo u dhexeeya laba beelood ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen lix qof, halka ilaa sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegeen xildhibaanadda ka soo jeedda gobolka Sool ee ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland oo maanta golaha warbixin ka siinayay xaaladda colaad beeleedkaasi.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaa mudaneyaasha uga warbixiyay xaaladihii u danbeeyay ee dagaal beeleedkaasi xildhibaanadda ka soo jeedda Sool.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker