Dab xooggan oo Ka Kacay Goobo ganacsi oo Ku Yaala Muqdisho

Dab xooggan ayaa goordhow ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la soo warinayaa in uu ku faafayo Goobaha Ganacsi ee ka ag dhow halka uu ka kacay, iyada oo kooxaha dab damiska ay la tacaalayaan.

Dab-damis kala duwan iyo Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray Goobta oo dabka kacay oo inta badan ay ku yaallaan xarrrumo ganacsi oo u badan Carwooyinka Dharka.

Illaa hadda lama oga waxa rasmiga ee sababay dabkaan, hay’addaha ammaanka iyo Saraakiisha Gargaarka deg degana kama hadlin inta uu la egyahay Khasaaraha uu sababay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker