Wararkii ugu dambeeyey dagaalka caasimadda Libya

Dagaalka laba koox oo hubeysan ku dhex-maray caasimadda Libya ee Tripoli ayaa dilay ugu yaraan 27 qof, halka 106 kale ay ku dhaawacmeen, waxaa sidaas maanta sheegtay Xarunta Caafimaadka Degdegga ah.

Xarunta, oo bixisa adeegyada degdegga ah ee galbeedka Tripoli, ayaa khasaaraha horudhaca ah ku daabacday boggeeda Facebook xalay.

Dagaalka oo u dhaxeeya labada koox ee awoodda badan ee Guutada 444 iyo Al-Radac, ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna si xooggan u socday maalintii Talaadada oo dhan.

Qoysas gaaraya 234 ayaa laga soo daad-gureeyay jiidaha hore ee dagaalka ee duleedka koonfureed ee caasimadda, iyo sidoo kale dhaqaatiir iyo shaqaale caafimaad oo ku xannibmay dagaalka ayaga oo daryeelaya dhaawaca.

Saddex isbitaallada guur-guura ah iyo ku dhowaad 60 gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa la geeyay aagga markii uu dagaalka qarxay.

Isku dhacyada ayaa ka dhashay kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444, Mahmud Hamza ay garoonka diyaaradaha Mitiga ku xireen Xoogagga Al-Radac, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Heshiis xabbad joojin

Gelinkii dambe ee Talaadadii, golaha bulshada ee duleedka koonfur-bari ee Suuq Al-Jumcah, oo ah aag ay ku xooggan yihiin xoogagga Al-Radac, ayaa ku dhawaaqay in heshiis lala gaaray ra’iisul wasaare Abdelhamid Dbeibah, oo ah madaxa dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay caasimadda, kaasi oo ah in Hamza loo dhiibo “dhinac dhex-dhexaad ah”.

Khudbad laga sii daayey taleefishinka ayuu goluhu ku sheegay in xabbad-joojinta ay xigi doonto wareejinta Hamza, waxaana fiidkii Talaadada istaagay dagaalka.

Labada koox ee hubeysan-ba waxay xulufo la yihiin dowladda Dbeibah, oo ah mid ka mid ah labada maamul ee ku loolamaya awoodda dalka Libya.

Dbeibah ayaa xalay booqday xaafadda Cayn Zara ee duleedka koonfur-bari ee Tripoli, halkaasi oo dagaalkii ugu xoogganaa uu ka dhacay Talaadadii, ayada oo safarka uu ku wehliyey wasiirka arrimaha gudaha Imed Trabelsi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay diyaarisay qorshe amni oo saraakiil lagu gaynayo degmooyinka lagu dagaalamay si ay ula socdaan xabbad-joojinta lagu dhawaaqay.

Waxaa weli Arbacada maanta ah xiran garoonka diyaaradaha Mitiga, oo ah kan kaliya ee rayidka ah ee u adeegga caasimadda, islamarkaana ay maamulaan xoogagga Al-Radac, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Duulimaadyada ayaa loo weeciyey garoonka diyaaradaha Misrata oo 180 km bari ka xiga Tripoli.

Yey yihiin Guutada 444 iyo Al-Radac

Libya ayaa waxaa la degay kala qeybsanaan iyo kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda oo marba dhinac ku xirma, tan iyo 2011 markii la afgambiyey madaxweyne Mucamar Qadaafi.

Guutada 444 waxay ku xiran tahay wasaaradda gaashaandhigga, waxayna sumcad ku leedahay inay tahay midda ugu edabta badan dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Waxay maamushaa duleedka bari ee Tripoli iyo sidoo kale magaalooyinka Tarhuna iyo Bani Walid, ayada oo sugta amniga waddooyinka caasimadda ku xira koonfurta dalka.

Xoogagga Al-Radac, oo uu u taliyo Abdel Rauf Karah, ayaa ah maleeshiyo awood badan oo qabata shaqada boolis ee Tripoli, waxayna xirtaa dambiilayaasha iyo jihaadiyiinta la tuhunsan yahay.

Waxay sheegtaa inay ka madax banaan tahay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo difaaca, waxayna maamushaa bartamaha iyo bariga Tripoli, iyo garoonka diyaaradaha rayidka ee Mitiga, saldhigga ciidamada cirka ee Mitiga iyo xabsiga magaalada.

Dal u kala qeybsan laba maamul

Liibiya waxa u kala qaybsan tahay dawladda Dbeibah ee ay Qaramada Midoobay taageerto ee galbeedka iyo mid kale oo bari ka dhisan oo uu taageero taliyaha militaryi ee awoodda badan ee Khalifa Haftar.

Bishii Agoosto ee sannadkii hore, 32 qof ayaa lagu dilay Tripoli, 159 kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii kooxaha taageersan xukuumadda Haftar ay dagaal la galeen ciidamada Dbeibah.

Doorashooyinka Liibiya ayaa la filayey inay dhacaan December 2021, hase yeeshee khilaafaadyo ay ka mid yihiin cidda isu soo taagi karta doorashada ayaa sababay in la hakiyo illaa muddo aan la cayimin, in kasta oo Qaramada Midoobay ay ka shaqeynaysay sidii loo dhameyn lahaa qodobada la isku hayo.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker