Vaughan Getthing oo noqon doono “hogaamiyihii ugu horeeyey ee madow ah ee Wales

Vaughan Getthing ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay kan ku guulaystay doorashada hoggaanka xisbiga shaqaalaha ee Wales. waxana uu noqonaya wasiirka koobaad ee Wales

Wasiirka koowaad ee xilka ka degaya, Mark Drakeford, ayaa booska baneyn doono toddobaadka soo socda.

Qudbadiisii aqbalaada, Vaughan Gething waxa uu sheegay in uu noqon doono “hogaamiyihii ugu horeeyey ee madow ah ee waddan Yurub ah”

Vaughan Gething oo hadda ah wasiirka dhaqaalaha Wales, ahaana qareen hore, waxa uu ku dhashay Zambia kuna barbaaray Ingiriiska ka hor inta aanu wax ku baran Wales.

Getthing wuxuu la tartamay wasiirka waxbarashada Wales Jeremy Miles oo sidoo kale ah qareen ku dhashay kuna koray magaalada macdanta ee Pontarddulais.

Gething waxa uu soo noqday wasiirka caafimaadka intii u dhaxaysay 2016 ilaa bishii May 2021, wuxuuna masuul ka ahaa ka jawaabista hore ee Covid ee Wales .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker