Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ku Eedeeyey Madaxweyne Farmaajo Inuu Boobo Doorashada dalka

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay Ciidanka Booliska Haramcad ee saakay dowladda Federaalka Soomaaliya geeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayuu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Ciidankii Haramcad ee la geeyay Baladweyne, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha uu ku doonayo inuu ku boobo doorashada dalka, waa sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay Musharax C/raxmaan in tallaabadaas ay caddeyn u tahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku diidan yahay in wada-hadal iyo isfaham laga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada 2021.

Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u tahay damaca uu ku doonayo in uu doorashada ku booboo. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.” Ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Isaga oo sii hadlaayay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayuu yiri “Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed , taariikhdana meel madow buu ka gelayaa “.

Ugu dambeyn Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeeystaan kuwo doonaya inay dalka dumiyaan.

Diyaarado siday Ciidanka Booliska Haramcad ayaa ka degay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ujeedka Ciidamadaas lagu sheegay inuu yahay inay sugaan amniga doorashada Baarlamaanka Federaalka ee halkaas ka dhaceysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker