Donald Trump oo loo haysto hees ay lahayd gabar muslimad ah oo uu fagaare kaga jaasay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka haddana ah mushasrraxa xilka u taagan in uu mar kale kursiga ku soo laabto ayaa loo haystaa xaquuqda hees uu fagaare ka daaray si uu taageereyaal u soo jiito.

Heestan oo la yiraahdo ‘Nothing Compares 2 U’ oo micnaheedu yahay ‘Wax laguu dhigaan jirin’ waxaa horay u qaadday fannaanad dhawaan geeriyootay oo u dhalatay dalka Ireland, lana oran jirey Sinead O’Connor, balse markii ay Muslimtay la baxday magaca Shuhada Davitt.

War ay si wadajir ah u soo saareen dadka leh dhaxal fannaanadan iyto shirkaddii heesta soo saartay oo la yiraahdo Chrysalis Records ayey Trump ku cambaareeyeen in meel uga dhacay magaca iyo dhaxaltooyada marxuumadda, maadaama uu idan la’aan iska isticmaalay hees xaquuqdeedu dhowrsan tahay, islamarkaana xasuus maguuraan ah ku leh Malaayiin taageereyaal ah oo ka xumaaday xadgudubka Trump kula kacay fannaanadda xijaabatay.

“Sinead haddii ay maqli lahayd heesteedi oo ka shidan banbaxa Donald Trump aad ayey uga caroon lahayd, waxayna dareemi lahayd xanuun iyo in fankeeda si xun loo adeegsaday” ayey qoraalkooda ku soo afmeereen dhaxaltooyada Shuhada Davitt oo Trump ka dalbaday in uu ka waantoobo xatooyada xoolaha dadow.

Heesta la isku haysto oo ka mid ah heedsaha hirgalay ee ay fannaanadani ku soo caanbaxday, waxaa wqaxaa miraheeda allifey fannaan iyo abwaan Mareykan ah oo goor sii horreysey laqmaday, lana oran jirey Prince Rogers Nilsen, waxaana la qaaday sgaashamaadkii.

Sinead O’Connor (Shuhada Davitt) waxay geeriyootey bishii

Luulyo ee kal hoire, waxaana lagu duugey khabuuraha Muslimiinta ee magaalada Dublin, Ireland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker