18 Ka Mid Ah Alshabaab Oo Ku Dhintay Duqaymo Ciidanka Maraykanku Ka Fuliyeen Waqooyiga Kismaayo

Duqaymo dhanka cirka ah oo ay qaadeen militariga Maraykanka ayaa lagu dilay 18 kamid ah mintidiinta Alshabaab kadib markii ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya, sida maanta oo sabti ah uu sheegay taliska Maraykanka ee Afrika.

Majiraan cid katirsan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Maraykanka oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka, sida uu sheegay, Nate Herring, oo ah afhayeen u hadlay AFRICOM.

Weerarka waxaa la qaaday Jamcihii wuxuuna ahaa wax iska caabbin kadib markii “mintidiintu ay weerar ku qaadeen sahan ama roondo ay si wadajir ah u samaynayeen Ciidmadu” markaas oo maraykanku uu kaga jawaabay “rasaas aan toos ahayn” ayuu yiri . Dagaalka ayaa ka dhacay meel 50 kilometer u jirta magaalada dekadda leh ee Kismaayo kagana beegan Waqooyi-galbeed, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.

Ciidamada Maraykanka ayaa la shaqeeya xoogagga caalamiga ah ee nabad ilaalinta iyo ciidamada dawladda soomaaliya oo dagaal kula jira mintidiinta Alshabaab. Maraykanka ayaa sanadkaan udihiisa qaaday in ka badan 20 duqaymood oo dhanka cirka ah oo kadhan ah ururka Alshabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker