Imaaraadka Oo Mushaharkii Ka Jaray Saraakiil Qabatay Hub Loo Waday Alshabaab

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, iyadda oo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in Dowladda Imaaraadka Carabtu Mushaharkii ka jartay taliyaha ciidamada Badda Puntland, Agaasimaha Ciidanka iyo ku xigeenka agaasimaha Ciidanka Badda.

Kiiska mushaar jarida ayaa la xaqiijiyay inuu la xidhiidho diyaaradii lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Qardho ee siday saanada Milateri taas oo ay ku fashilmeen masuuliyiinta mushaaar joojinta lagu sameeyay in ay xaliyaan xiisada diyaarada la xanibay.

Saanada Milateri ee saaran diyaaradda weli xaniban ayaa waxaa ku qoran nin u dhashay dalka Imaaraadka oo lagu magacaabo Abdalla Habib lamana oga meel lagu waday.

Mushaharka laga jaray taliyayaasha ciidamada Badda Puntland iyo agaasinka ciidamada ayaa loo arkaa in ay tahay mid kor u sii qaadeysa fashilka danaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, dareenka iyo hadal haynta ugu badan ee shacabku isla dhexmarayaan ayaa ah tuhunka laga qabo in wada shaqeyn ka dhexeyso Imaaraadka Carabta iyo kooxda Shabaab ee saldhiga ku leh Buuraha Galgala.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker