Golaha Guurtida oo hadda ansixiyay xeerka Ciidanka Dabdamiska iyo Samata-bixinta Xeer Lr.106/2023.

Fadhigan ay ku ansixinayeen Xeerka Dab-damiska ayaa waxa ka soo xaadiray 72 Mudane, kaasi oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Golaha guurtida ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerkan Dab-damiska codaytii ayaa waxay u dhacday sida tan:-

Fadhiga waxa ka soo xaadiray 72 Xildhibaanada
Waxa diiday 4 Xildhibaan
Cid ka aamustay ma ay jirin
Gudoomiyuhuna ma codaynin, sidaasi ayuu ku ansaxay Xeerka Dab-damiska iyo Samata-bixintu

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker