Baarlamaanka Dalka Morocco Oo si Adag Uga Hor-yimi Qorshaha Trump Ee Bariga Dhexe.

Morocco flag icon. National flag of Morocco on a pole vector illustration.

Baarlamaanka Boqortooyada Morocco ayaa Xaqiijiyay in dhismaha dowlad Madaxbanaan oo Caasimadeedu tahay Qudus ay xaq u leeyihiin dadka reer Falastiin ,maadaama aysan mugdi jirin in israa’iil ay haysato dhul aysan lahayn oo ay Xoog ku qabsatay.

 

 

Baarlamaanka Moroco ayaa soo saaray Bayaan ay arrintaas kaga hadleen kaas oo ay ku sheegeen “Dhisitaanka dawlad madax banaan oo caasimadeeduna tahay Qudus waa xuquuq u gaar ah oo aan cid kale lasiin karin Falastiiniyiinta” ayaa lagu cadeeyey bayaanka.

 

 

Qorshaha Qarniga ee nabada bariga dhexe oo ahaa mid uusoo bandhigay Madaxweynaha maraykanka ayay baarlamaanka Moroco ku tilmaameen inuu yahay qorshe colaad abuuraya oo aan arrimaha nabadda bariga dhexe u wanaagsanayn.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Moroco Xabiib Al-maalik ayaa tilmaamay in baarlamaanka Moroco ay si adag u diidan yihiin in la fara geliyo ama la qaato dhulka falastiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker