” Maamulka Soomaaliya wuxuu cadaystay inuu Dagaal Cad oo Diplomaasiyadeed ku Qaado Somaliland ” Cali Maxamed Warancadde

Cali Maxamed Warancadde oo ah  La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland   ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Mareegtan Oodweyne News  ku sheegay in Maamulka Soomaaliya  uu cadaystay inuu Dagaal Cad oo Diplomaasiyadeed ku Qaado Somaliland  Wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa Sidan—

 

” Maamulka Somalia wuxuu cadaystay inuu Dagaal Cad oo Diplomaasiyadeed ku Qaado Somaliland, ka dib markii uu International community-ga iyo Deeq-bixinayaasha u gudbiyey Maamulkaasi Liisas Doorasho oo ka soo Jeeda dhalasho ahaan Somaliland, oo laga soo Dooran doono Xamar, kuwaasi oo la doonayo in lagu Qanciyo Caalamka in ay matalaan Somaliland.

Calooshooda u shaqeystayaasha ka soo Jeeda Dhalasho ahaan Somaliland waxaa loo haystay markii hore Dad Xamar u shaqo tagay, Laakiin waxaa Iminka Cadaatay in ay Yihiin Akhaainul-wadaniin loo adeegsanayo Burburinta Himiladda Ummada Reer Somaliland ay ku Doonayaan Xoriyadooda ee ay u soo galaan Halganka dheer.

Waxaa hadaba la Gudboon Ummada Somaliland in aynu u Diyaar Garowno sidii looga hortagi lahaa Dagaalkan foosha xun ee loo adeegsanayo kuwo inagu Abtirsada laakiin la soo saftay Cadowga Somaliland. Iyo Sidii looga dhaadhicin lahaa Caalamka in aanay Jirin Cid Somaliland ku Matasha Maamulka Somalia, Cida kaliya ee Matasha Ummadda iyo Qaranka Somaliland ay tahay Dowladooda iyo Madaxda ay Doorteen. ”


Allaa Mahad leh
Ali Mahamed Waranade

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker