Xaalada Cusbitaalka Oodweyne ee Shalay iyo Maanta

Waxaan jeclaystay inaan farta ku fiiqo isbadalka iyo horumarka ka muuqday mudo gaaban hawlaha adeega  caafimaad ee gobolka Daadmadheedh, wallow aanan siyaasad ahaan taageersanayn xukuumada xisbiga kulmiye ee uu hogaamiye madaxweyne Muuse, hadana waxay iila muuqatay inaan is barbar dhigo xaalada adeega caafimaad ee gobolka daadmadheedh ee shalay iyo maanta, maadama aan ahay dadka ka soo toosa gudaha magaalada oodweyne, waxaan muran ku jirin in hospital ka oodweyne ahaa mid xidhan oo aan bixin karin adeeg caafimaad waliba kuwa basics ka ah, waxay se ididiiladu soo noolatay mudo ku siman 3 dii bilood u dambeeyay ka dib Markii Wasiir ka Caafimaad ka ee hada jooga Dr Xasan Yuusuf socdaal ku yimi magaalada oodweyne wakhtigaas oo si  toosa u booqday hospital ka isaga oo ay amakaag ku noqotay in hospital magaalo intaa leeg ku yaala uu sidaas u baabasanaado, Alle mahadii mudadaas gaaban wuxu wax kaga  badalay dayacnaantii dhakhtarkaasi ku sugnaa mudo badan iyadoo uu hada hospitaalkaasi fur may dhakhaatiira laga hawl geliyay iyo adeeg yo badan oo ka maqnaana lagu soo kordhiyay, sidaas darteed inkastoo rayi caamka bulshada soomaaliland ay ku doodaan in xukuumada uu Madaxweynuhu hada dhisay ahayn tii loo baahna hadana waxaan qabaa in wasiir ka caafimaad ka iyo dhawr wasiir oo kale yihiin kuwo uu qarankani uu baahan yahay wasiiradan oo siyaasadoodu ku salaysan tahay “hadal yar iyo hawl badan”

Allaa Mahadle
Cartan Golongol
cartangolongol@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker