Haile G/selassie: Rabshadihii Itoobiya Waxaa Ka Dambeeyay Warar Been Abuur Ah Oo Lagu Baahiyay Facebook

Orodyahanka caanka ah ee u dhashay dalka Itoobiya Haile G/Silaase ayaa BBC u sheegay inuu aad ugu welwelayo wararka beenta ah ee lagu baahiyo Facebook, isaga oo sheegay iney huriyeen rabshadihi bishi hore ka dhacay deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya oo sababay iney ku dhintaan 78 qof.

Rabshadahaasi oo ay dowladda ku tilmaantay iney salka ku hayaan qowmiyado iyo diimo, ayaa ku billaawday marki uu mulkiilaha warbaahin caan ka ah dalkaasi uu sheegay iney dowladdu damacday iney ilaalada kala noqoto si ay naftiisa halis u gasho.

Haile Gebrselassie ayaa ka cabsi qaba in xaaladda Itoobiya ka taagan ay ka sii darto, halkaas oo ay si joogto ah uga dhacaan rabshado salka ku haya qowmiyado.

 

Wareysi uu BBC-da siiyay Gebrselassie oo billada ka haysta cayaraha Olombikada gaar ahaan oroddada, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in warar been abuur ah lagu baahiyay barta Facebook kuwaasi oo sii huriyay rabshadahii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya.

Orod-yahankan oo sidoo kale dalka Itoobiya ka ah ganacsade caan ah ayaa barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook ugu baaqay inay meesha ka saarto warkaasi aan runta ku saleysnayn oo sare u sii qaadi karo isku dhacyo ku saleeysan qowmiyado ama kuwa diimeedba.

 

Inkastoo aysan suurogal ahayn in la ogaado heerka warbixinnada baraha bulshada ay sare ugu sii qaadeen isku dhacyadii bishii aynu soo dhaafnay hadheeyay dalkaasi, haddana waxaa jiray warar qaar oo lagu daabacay barta Facebook oo ay ka mid ahayd qoraal been abuur ah oo sheegayay in askari boolis ah uu dhalinyaro hubeeynayay.

 

Rabshadihii Bishii hore ayaa bilowday ka dib markii Jawar Mohammed oo ah milkiilaha warbaahin caan ka ah dalka Itoobiya uu sheegay in dowladda ay naftiisa halis galinayso ka dib markii ay damacaday inay ilaaladiisii gaarka ahayd kala noqoto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker