Dhegayso: Ururka Alshabaab oo Weerar Culus oo ay ku Qaadeen Daynuunaay ku Laayay Saraakiil Sar Sare

Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay saldhigga ciidamada dawladda Soomaaliya ee Daynuunay kadib markii weerar culus ay kusoo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana wararka dhinaca amnigu sheegayaan in maleeshiyadka Al-Shabaab ay saacadihii hore ee saaka galeen saldhigga, inkastoo goor dambe ay ciidamo gurmad ah xoojiyeen kuwa dawladda islamarkaana dib u qabsadeen saldhigga.

 

 

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay weerarka oo uu ku jiro taliye ka tirsan ciidanka. Saddex ka mid ah ciidanka ayaa la sheegay inay ku dhinteen miino la qaraxday xilli ay gurmad ugu sii socdeen saldhigga.

 

 

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegayey inay khasaare gaadhsiiyeen Al-Shabaab iyadoo faahfaahin aysan weli soo bixin

Daynuunay ayaa ah saldhig milatari oo 1KM u jra magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

 

Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose ka Daawo:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker