Dhaqaatiirta isbitaallada Nairobi oo shaqo-joojin sameeyay

In ka badan 300 oo dhaqaatiir ah oo ka howlgala isbitaallada dadweynaha ee magaalada Nairobi, caasimadda Kenya ayaa sameeyay shaqo-joojin.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa doonaya in loo kordhiyo mushaarka lana wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan sida in la siiyo qalabka difaaca qofka (PPE).

Kiisaska ugu badan ee xanuunka coronavirus ee Kenya waxaa laga soo sheegay Nairobi.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay inay u dulqaadanayeen maamulka Nairobi ee ku shaqada leh adeegyada caafimaadka.

Thuranira Kaugira oo dhaqaatiirta ka tirsan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in in ku filan ay dulqaateen shaqaalaha caafimaadka.

Dhaqaatiirta ayaa doonaya tababar iyo qalabka difaaca qofka oo tayo leh marka ay la macaamilayaan bukaannada Covid-19.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay dhaqaatiirta Kenya shaqo-joojin sameeyaan iyagoo dalbanaya in mushaarka loo kordhiyo iyo in wax laga qabto xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadley kale oo caafimaad ayaa ku baaqayay in la sameeyo guddi adeegyada caafimaadka ah oo wax ka qabta dhammaan cabashooyinkooda, balse taas laguma guuleysan.

In ka badan 30,000 oo kiisaska Covid-19 ah oo laga soo sheegay Kenya, ku dhowaad 700 oo ka mid ah waa shaqaalaha caafimaadka.

Dhowr shaqaalaha caafimaadka ah ayaa u dhintay fayraska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker